Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Gomez, Diaz, Lingard, Isak, Traore, De Jong

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tababaraha Aston Villa iyo kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard ayaa xiiseynaya daafaca Reds iyo xulka England Joe Gomez, oo 24 jir ah (FootballInsider).

Manchester United ayaa ka mid ahayd kooxihii indha indheeyay garabka Colombia Luis Diaz oo u ciyaarayay Porto dhamaadkii Isbuucaan. Atletico Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa sidoo kale isha ku haya 25 jirkaan, kaasoo dhaliyay 14 gool 18 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan. (O Jogo)

Dhanka kale, United ayaa sare u qaaday raadinta tababare cusub, iyadoo madaxa Paris St-Germain Mauricio Pochettino, maamulaha Ajax Erik ten Hag, tababaraha Spain Luis Enrique iyo Julen Lopetegui ay liiska ku jiraan. (Sport)

Newcastle United ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Manchester United iyo xulka England Jesse Lingard, 29, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton ee Mali Yves Bissouma, 25. (Mirror).

Nice ayaa sidoo kale isku dayday inay u dhaqaaqdo Lingard, kaasoo lala xiriirinayo West Ham . (FootballMercato)

Newcastle ayaa wadahadalo la furtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Dele Alli oo ay amaah kaga soo qaateen Tottenham . (Telegraph)

Bayern Munich ayaa xiiseyneysa daafaca dhexe ee Chelsea Andreas Christensen, oo 25 jir ah, ka dib markii daafaca Jarmalka Niklas Sule, oo 26 jir ah uu diiday dalab qandaraas kordhin ah. (Goal)

Manchester City iyo Liverpool ayaa bilaabay wadahadalo ku saabsan saxiixa 22 jirka garabka uga ciyaara Netherland Cody Gakpo oo ka tirsan PSV Eindhoven  . (Voetbal)

Weeraryahanka Serbia Dusan Vlahovic, 21, ayaa u sheegay Fiorentina inuu doonayo inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan Serie A ee Juventus . (90min)

Arsenal ayaa ka fikiraysa weeraryahanka Real Sociedad ee Sweden Alexander Isak, 22, weeraryahanka Lille ee Canadian-ka Jonathan David, 22 sano jir ah, iyo Dominic Calvert-Lewin, 24, Iyagoo ku badalaya Booska Vlahovic. (London Evening Standard)

Gunners, si kastaba ha ahaatee, waa inay la kulmaan 70 milyan ginni haddii ay doonayaan inay la soo wareegaan Isak ka hor maalinta Isniinta ee soo aaddan. (Express)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa taageere weyn u ah Calvert-Lewin laakiin isku day kasta oo lagu doonayo lama samayn doono ilaa xagaaga. (DailyStar)

Lix kooxood oo Yurub ah ayaa xiiseynaya saxiixa weeraryahanka Arsenal Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, 32, kaasoo weli ka maqan qorshaha kooxda koowaad ee Arteta. (Mirror)

Aubameyang ayaa si cad u sheegay in aanu xiiso u qabin in uu u dhaqaaqo Saudi Arabia halkaas oo lala xiriirinayo laba kooxood. (DailyStar)

Tottenham ayaa kalsooni ku qabta inay 20 milyan ginni kula soo wareegayso garabka kooxda Wolves ee Spain Adama Traore, 25. Wolves ayaa ku dooneysa 25 milyan ginni ciyaaryahanka, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2023. (Sky Sports).

Dhanka kale, Spurs ayaa wadahadalo la furtay kooxda reer France ee Angers si ay ula soo saxiixato 18 jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka France ee 21 jirada Mohamed-Ali Cho, (footballInsider)

Tottenham ayaa wax ka weydiisay kooxdiisa 25 jirka khadka dhexe ee Fiorentina Sofyan Amrabat, kaasoo u ciyaaray Morocco Koobka Qaramada Afrika. (Dailymail)

Bayern Munich ayaa xiriir la sameysay wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Netherlands Frenkie de Jong, oo 24 jir ah, iyagoo isku dayaya inay saxiixiisa ku garaacaan Chelsea , Manchester City iyo Paris St-Germain . (Marca)

Borussia Dortmund ayaa wadahadalo la furtay kooxda Red Bull Salzburg oo ay ku doonayso 40 milyan oo Yuuro (£33.5m) oo ay kula soo wareegayso 20 jirka Jarmalka Karim Adeyemi. (Sky Sport)

Daafaca bidix ee Ajax Nicolas Tagliafico, oo lala xiriirinayo Aston Villa, Chelsea, Marseille iyo Napoli, ayaa weydiistay wakiilkiisa inuu joojiyo wadahadalada uu kula jiro kooxaha kale iyadoo Barcelona ay isku dayeyso inay amaah kula soo wareegto 29 sanno jirkaan oo leh ikhtiyaar lagu iibsan karo. (Marca)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*