Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Gunnar Solskjaer oo wax laga waydiiyay Raphael Varane, Chelsea oo iibineysa Timo Werner iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Roma oo noqotay kooxdii ugu dambeysay ee xiise u muujisa laacibka kooxda Villarreal ee Alfonso Pedraza. Calciomercato.it 

Bayern Munich ayaa la xiriirtay Barcelona si ay u weydiiso qiimaha ay ku dooneyso daafac la aaminsan yahay inuu yahay Sergino Dest. Mundo Deportivo

Da’yarka kooxda Liverpool Ethan Ennis ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda Liverpool kadib markii uu iska diiday heshiis cusub. Liverpool Echo

Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu Diogo Dalot keeno Real Madrid isagoo ka imaanaya kooxda Manchester United. sida uu qoray  Mundo Deportivo

Roma ayaa dalab fiican ka gudbineysa garabka kooxda Palmeiras ee Matias Vina. Sky Sport

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay amaah kulasoo wareegi karto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches xagaagaan. Sida laga soo xigtay AS

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday inuu ka hadlo raadinta la sheegay ee kooxda ee ku aadan Raphael Varane markii wax laga weydiiyaydaafaca dhexe ee Real Madrid isbuucaan.  Sportsmole

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay sii heysato Kieran Trippier xagaagaan laakiin waxay dejisay qorshe deg deg ah haddii daafaca uu dhaqaaqo. Sida laga soo xigtay AS ,

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay iska iibiso Timo Werner inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Sida laga soo xigtay Sky Deutschland

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dhawaan wadahadal la furi karto Riyad Mahrez si qandaraas cusub looga saxiixo. Sida laga soo xigtay Manchester Evening News

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*