Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Harry Kane oo Qarka u saaran ku biirista Manchester City, Pogba oo diiday Heshiiska Manchester United iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Harry Kane ayaa qarka u saaran inuu ka tago Tottenham kuna biiro Manchester City heshiis ku kacaya – 160m kaasoo uu ku kasbanayo 27 jirka reer England 400 kun ginni isbuucii. (Thesun)

City ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto mid ka mid ah weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus, 24 sano jir ah, kabtanka Algeria Riyad Mahrez, 30 sano jir ah, qadka dhexe ee reer Portugal Bernardo Silva, 26, ama weeraryahanka reer England Raheem Sterling, 26, taasoo qeyb ka ah heshiiska lagu doonayo in Spurs looga iibiyo kabtanka England. (FourFourTwo)

Spurs ayaa xiiseyneysa daafaca Atalanta ee Cristian Romero waxaana lagu soo waramayaa inay dalbadeen £ 34m oo lagu daray £ 8m oo dheeri ah si ay u helaan 23 jirka reer Argentina. (Dailymail)

Atalanta ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca Spurs ee reer Colombia Davinson Sanchez, 25, oo qeyb ka ah heshiiska Romero. (Gianluigi Longari oo Sportitalia ah)

Weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, oo 22 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu iska diido qandaraaska cusub ee Paris St-Germain, waxaana qalbigiisa ku sii jeedaa inuu u dhaqaaqo Real Madrid, inkastoo kooxda reer France ay baacsatay 28 jirka qadka dhexe ee Manchester United iyo saaxiibkiisa caalamiga Paul Pogba. (Marca)

Pogba ayaa la filayaa inuu ka tago Manchester United xagaagan ka dib markii uu diiday heshiis uu isbuucii ku qaadanayo 350 kun ginni oo uu kula joogo kooxda ka dhisan Premier League kuwaasoo aan diyaar u aheyn inay u ogolaadaan inuu qandaraaskiisa hoos u dhigo isla markaana uu si bilaash ah kaga tago sannadka 2022. (Mirror)

Manchester United ayaa sidoo kale la dhibtooneysa inay heshiis la gaarto Real Madrid si ay ula soo saxiixato daafaca dhexe ee reer France Raphael Varane, oo 28 jir ah. Kooxda ka ciyaarta La Liga ayaa dalbaneysa 50 milyan oo ginni oo daafaca ah iyadoo United kaliya ay diyaar la tahay inay bixiso 40 milyan oo ginni. (Mirror)

AC Milan ayaa isha ku heysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Morocco Hakim Ziyech, oo 28 sanno jir ah, oo ay amaah uga soo qaataan Chelsea (Calcio Mercato )

Liverpool ayaa ka mid ah kooxo badan oo reer yurub ah oo miisaamaya saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Franck Kessie oo 24 jir ah (Gazzetta dello Sport)

Newcastle ayaa kalsooni ku qabta inay xaqiijiso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton iyo Gabon Mario Lemina, 27, ka dib markii ay wadahadalo la yeesheen dhowr bartilmaameed oo khadka dhexe ah oo ka baxsan qiimaha kooxda. (Thenorth Echo)

Eden Hazard, oo 30 jir ah, ayaa cadeeyay in ku laabashadiisa Chelsea ay tahay mid aan su’aal ka taagneyn ka dib markii warbaahinta Spain ay qortay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium loo soo bandhigay Blues iyadoo Real Madrid ay dooneyso inay iska dirto. (Mirror)

Arsenal ayaa Sheffield United sheegtay inay kor u qaado dalabkeeda 32 jirka Aaron Ramsdale in ka badan 32 milyan ginni ka dib markii laga soo diiday labo dalab oo ku aadan goolhayaha. (Times)

Chelsea ayaa wadahadalo la furtay 21 jirka daafaca midig ee reer England Dujon Sterling si ay heshiis cusub uga saxiixdo. Tababarayaasha kooxda horumarinta ee Chelsea ayaa la fahansan yahay inay la dhacsan yihiin soo kabashada Sterling isla markaana ay ku soo laabteen taam ahaansho buuxda ka dib dhaawac halis ah oo soo food saaray. (Football. London)

Chelsea ayaa sidoo kale xiiseyneysa goolhayaha reer Argentine Sergio Romero, 34, oo ah wakiil xor ah ka dib markii qandaraaskiisa Manchester United uu dhacay, iyadoo Blues ay sii wado raadinta goolhaye dookha seddexaad ah si ay ugu hesho Edouard Mendy iyo Kepa Arrizabalaga. (Telegraph)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka ayaa ku dhow inuu dhameystiro ku biiristiisa Roma , iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay dooneyso kabtanka Switzerland inuu ku biiro waqtiga ay u safrayaan Portugal isbuuca soo socda. (Dailymail)

Aston Villa ayaa laga yaabaa inay dalab ka gudbiso 21 jirka weerarka ka ciyaara ee kooxda River Plate Julian Alvarez isbuuca soo socda. (TNT Sports )

Daafaca Tottenham iyo Mareykanka Cameron Carter-Vickers, oo 23 jir ah, ayaa waxaa xiiseynaya kooxda Newcastle , oo isha ku heysa inay hesho daafac dhexe ka dib markii Brentford ay ku guuleysatay tartankii ay kula soo saxiixan laheyd daafaca Celtic ee reer Norway Kristoffer Ajer, 23. (90Min)

Liverpool ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Newcastle Bobby Clark. 16 jirkaan qadka dhexe ayaa waxaa dhalay laacibkii hore ee qadka dhexe ee Newcastle iyo Sunderland Lee. (Dailymail)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*