Home Horyaalada Kale Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Kylian Mbappe oo lagu Arkay Liiska Manchester...

Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Kylian Mbappe oo lagu Arkay Liiska Manchester United ee Xagaagan Suuqa, Aymeric Laporte oo iib ah, iyo Qodobo kale oo Xiiso leh

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Weeraryahanka Paris St-Germain iyo Faransiiska Kylian Mbappe, oo 22 jir ah, ayaa ku jira liiska bartilmaameedyada Manchester United xagaaga soo aadan. (ESPN)

Ad

Manchester City ayaa ogolaatay inaysan hor istaagin Aymeric Laporte haddii dalab 60 milyan oo ginni ah ay ka hesho daafaca 27 jirka ah ee reer Spain. (Dailymail)

Xiddiga qadka dhexe ee reer France Tanguy Ndombele, oo 24 jir ah, ayaa u sheegay Tottenham inuu u furan yahay inuu ka tago kooxda. (TheAthletic)

Chelsea ayaa go’aansan doonta maalmaha soo socda haddii ay soo iibsaneyso xiddig kale oo qadka dhexe ah, iyadoo qadka dhexe ee Atletico Madrid iyo Spain Saul Niguez, oo 26 jir ah, loo arko suurtagal. (Fabrizio Romano via Twitter)

Qeyb dhexe ayaa sidoo kale ahmiyada koowaad u leh tababaraha Blues Thomas Tuchel. Daafaca Faransiiska Jules Kounde, oo 22 jir ah, kana tirsan Sevilla iyo Aurelien Tchouameni, oo 21 jir ah, kana tirsan Monaco kuwaasi oo ku jira liiska bartilmaameedyada Chelsea (Mirror)

Tottenham ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto xiddiga qadka dhexe ee Metz iyo Senegal Pape Matar Sarr, oo 18 jir ah (90min)

Daafaca reer Portugal ee Granada Domingos Duarte oo 26 jir ah ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Tottenham (Express)

Xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United iyo Wales Daniel James, oo 23 jir ah, ayaan kooxda amaah lagu siin doonin ama la iibin doonin xagaagan, sida laga soo xigtay ilo ku sugan Old Trafford. (TheAthletic)

West Ham ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Sevilla iyo Netherlands Luuk de Jong, 30. (90min)

Hammers ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday weeraryahanka reer France Mohamed Bayo, oo 23 jir ah, kana yimid kooxda Ller 1 ee Clermont. (Le10Sport – af Faransiis)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Leon Goretzka oo 26 jir ah ayaa qarka u saaran inuu soo afjaro wararka la xiriirinaya Manchester United isagoo heshiis cusub u saxiixi doona Bayern Munich (Goal)

Daafaca dhexe ee Ingriiska Nat Phillips ayaa la filayaa in loo ogolaado inuu ka tago Liverpool haddii dalab £ 15m ah lagu dalbado 24 jirkaan. (Liverpool Echo)

Sheffield United ayaa tartan kala kulmeysa kooxda Serie A ka dhisan ee Atalanta si ay amaah ugu hesho xiddiga Manchester United iyo garabka Ivory Coast Amad Diallo, oo 19 jir ah (TuttoAtalanta)

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta wakiilka xidiga Monaco ee 21-jirka khadka dhexe ee dalka Faransiiska Aurelien Tchouameni kooxda xagaagan. (Mirror)

Leeds ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay naadiga Club Brugge ee reer Holland Noa Lang, 22 jir ah (Voetbal Belgie,)

Daafaca bidix ee kooxda Manchester United 20-jirka Brandon Williams ayaa lagu soo waramayaa inuu tijaabada caafimaadka u maray Norwich jimcihii. (FootbaInsider247)

Previous articleJuventus oo diyaar u ah in Bayern Munich ay ka iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan
Next articleManchester United ayaa meesha ka saartay in Daniel James uu ka tagi doono xagaagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here