Home Warka Xiisaha Leh Wararka Suuqa Kala iibsiga Maanta: Lewandowski, Ronaldo, Suarez, Christensen, Botman, Lingard, Carlos

Wararka Suuqa Kala iibsiga Maanta: Lewandowski, Ronaldo, Suarez, Christensen, Botman, Lingard, Carlos

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay go’aansato inay iska iibiso weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski xagaaga hadii uusan saxiixin qandaraas kordhin, 33 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ku eg yahay June 2023. (Marca).

Ad

Wakiilada Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay Manchester United in 36 jirka reer Portugal uu doonayo inuu ka tago Old Trafford xagaaga hadii kooxdu ay ku guuldareysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda. (Thesun)

Atletico Madrid ayaan u ogolaan doonin 34 jirka reer Uruguay Luis Suarez kaas oo lala xiriirinayo Aston Villa inuu baxo Janaayo. (Goal)

Barcelona ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta daafaca Chelsea Andreas Christensen, oo 25 jir ah, iyadoo uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sport)

Koox aan la magacaabin oo Premier League ka dhisan ayaa la mid ah dalabkii Newcastle United ay ku dooneysay 28 jirka daafaca uga ciyaara Sevilla Diego Carlos, iyadoo Magpies la rumeysan yahay inay dalab 30 milyan ginni ah miiska u saartay xiddiga reer Brazil. (Sky Sports)

Manchester United ayaa u ogolaan doonta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jesse Lingard bisha Janaayo hadii koox ay bixiso 3.5 milyan ginni oo amaah ah 29 jirkaan, kaasoo qandaraaskiisa Old Trafford uu dhacayo xagaaga. (Talksport)

Madaxwaynaha Lille Olivier Letang ayaa sheegay in kooxda reer France “xataa albaabka u furi doonin” iibinta daafaca reer Holland Sven Botman, iyadoo Newcastle United iyo AC Milan ay xiiseynayaan saxiixa 22 jirkaan. (Football Italia)

Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa 17-jirka khadka dhexe ee Spain Gavi, kaasoo qandaraaskiisa Barcelona lagu burburin karo 42 milyan ginni . (El Nacional)

Weeraryahankii hore ee Everton Wayne Rooney ayaa ah musharaxa cusub ee ugu cadcad shaqada tababaraha ka banaan ee Goodison Park, inkastoo tababaraha Roma Jose Mourinho uu sidoo kale la tixgelinayo. (Thesun)

West Ham United ayaa bartilmaameedsanaysa weeraryahanka Blackburn iyo xulka Chile Ben Brereton Diaz, oo 24 jir ah, iyo 24 jirka daafaca uga ciyaara Liverpool ee Nathaniel Phillips marka la gaaro suuqa January . (Express)

Gareth Southgate ayaa ka fiirsanaya in uu u yeedho daafaca Brighton Adam Webster shaxdiisa soo socota ee England ka dib markii uu dib u eegis ku saabsan qaab ciyaareedkii 27 jirka ahaa ee u dambeeyay. (Dailymail)

Hal koox oo Premier League ah iyo kooxo badan oo Championship ah ayaa xiiseynaya 24 jirka weerarka uga ciyaara Ingariiska Kabongo Tshimanga, kaasoo 21 gool u dhaliyay 22 kulan oo uu u saftay kooxda National League Chesterfield xilli ciyaareedkan. (Thesun)

Arsenal ayaa sare u qaaday baacsiga ay ku doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Arthur Melo, iyadoo Gunners ay rajeyneyso inay amaah kula soo wareegto 25 jirka reer Brazil inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. (Goal)

Arsenal ayaa sidoo kale diyaar u ah inay ka dhigto weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic, oo 21 jir ah, kaasoo ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan adduunka, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaan weli hubin inuu u dhaqaaqayo Gunners. (90min)

Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay Manchester United kula tartanto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Switzerland iyo Borussia Monchengladbach Denis Zakaria oo 25 jir ah (Christian Falk).

Paris St-Germain ayaa kalsooni ku qabta in tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane, oo 49 jir ah, uu tababare u noqon doono Parc des Princes waqtiga soo socda. (Marca)

Burnley ayaa isha ku heysa horumarka 33-jirka reer England daafaca Chris Basham, kaasoo qandaraaskiisa Sheffield United uu dhacayo xagaaga. (Dailymail)

Charlton, Ipswich Town, Oxford United iyo Sunderland ayaa dhamaantood xiiseynaya 39 jirka weerarka uga ciyaara Ingariiska Jermain Defoe, kaasoo beeca xorta ah lagu heli karo ka dib markii uu ka tagay Rangers . (Sky Sports)

Juventus ayaa ka niyad jabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey ka dib markii 31-sano jirku uu iska diiday dalabyo uu kaga tagayo Talyaaniga kooxo ka dhisan England iyo Spain. (Calciomercato)

AC Milan ayaa xiiseyneysa inay amaah kula soo wareegto 22 jirka daafaca uga ciyaara Tottenham Japhet Tanganga, laakiin kooxda Premier League ayaa doorbideysa inay iska iibiso xidigan. (Dailymail)

Weeraryahankii hore ee France iyo Arsenal Thierry Henry ayaa u sharaxan inuu noqdo tababaraha xiga ee Bordeaux ka dib markii uu ka tagay shaqada kooxda Montreal Impact bishii Febraayo. (RMC Sport)

Stoke ayaa qarka u saaran inay amaah kula soo wareegto 19 jirka garabka uga ciyaara Aston Villa ee Jaden Philogene-Bidace ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sport)

Previous articleChelsea oo dib u heshay Chalobah, James ka hor kulanka Tottenham ee Axada
Next articleChelsea, Manchester City, iyo Liverpool oo dhammaantood ku dagaalamaya saxiixa Gavi’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here