Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Man City oo Dalab Cusub ka gudbineysa Harry Kane iyo Qodobo kale oo muhiim ah

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dalab sare ka gudbineyso xidiga kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane dalabka ayaa ka duwan kii hore. The Athletic

Daafaca midig ee kooxda Atletico Madrid ee Kieran Trippier ayay ka go’antahay inuu kusoo laabto horyaalka Premier League wuxuuna sugayaa heshiis uu Man United ugu dhaqaaqayo. (Telegraph)

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dalab 60 Milyan oo pound ah u diyaarinayso xiddigii xulka Talyaaniga kula guuleystay Euro ee icolo Barella oo Inter Milan ka tirsan. (La Repubblica)

Liverpool ayay macquul tahay inay mid ahaan Xherdan Shaqiri iyo Divick Origi ku darto heshiiska ay Saul Niguez kaga doonayso Atletico Madrid. (Daily Express)

Chelsea ayaa weeraryahankeeda Tammy Abraham ku daraysa heshiiska ay Borussia Dortmund kaga soo qaadanayso Erling Haaland. (Mirror)

Arsenal daafaceeda Hector Bellerin ayaan wali heshiiska shaqsiga ah la gaadhin Inter Milan balse kooxdaasi ayaa lagu sifeeyay mida ugu cad-cad saxeexiisa. (Football.london)

Dhinaca kale khadka dhexe ee Arsenal ee Joe Willock ayaa u sheegay kooxdaasi inuu doorbidayo inuu markale qaab amaah ah ugu biiro Newcastle United. (Daily Express)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay inuusan iib ahayn 20 sano jirka kooxdiisa ee Emile Smith Rowe oo xiiso ka helaya Aston Villa. (HITC)

Leicester City ayaa heshiis cusub oo mudo dheer ah u bandhigtay Youri Tielemans iyaga oo kalsooni ku qaba inuu kooxda sii joogi doono walow lala xidhiidhinayo Liverpool. (Telegraph – subscription needed)

Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub oo mudo dheer ah u saxeexo kooxdaas.. (HITC via Here We Go Podcast)

Barcelona ayaa ku dhawaad dhammaystirtay heshiiska ay Antoine Griezmann kooxdiisii hore ee Atletico Madrid dib ugu dirayso iyadoo kusoo bedelanaysa Saul Niguez. (Mail)

Tottenham ayaa ku jirta dhawr kooxood oo Premier League ah oo xiisaynaysa weeraryahanka American-ka ah ee kooxda Schalke ee Matthew Hoppe oo 20 sano jir ah. (The Boot Room)

Heshiiska amaahda ah ee uu daafaca Man United ee Brandon Williams ugu biirayo Southampton ayaa halis ku jira kaddib dalabaadka lacageed ee Man United. (talkSPORT)

Tababaraha AS Roma ee Jose Mourinho ayaa kooxdiisii hore ee Man United qaab amaah ah kaga doonaya daafaca bidix ee Alex Telles oo uu bedel uga dhigayo xiddiga ka dhaawacan ee Leonardo Spinazzola. (Daily Star)

Arsenal iyo Liverpool ayaa seegaya 22 sano jirka PSV ee Donyell Malen kaas oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Borussia Dortmund oo uu bedelka Jadon Sancho u noqonayo. (Just Arsenal via Sports Bild)

Tottenham ayaa ku dhaw saxeexa daafaca kooxda Bologna ee Takehiro Tomiyasu kaas oo heshiis 15 Milyan oo pound ah ugu soo wareegaya. (The Athletic – subscription needed)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*