Wararka Suuqa Kala iibsiga Maanta: Ndombele, Martial, Lingard, Mbappe, Bakker, Pogba, Dembele

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Paris St-Germain ayaa wadahadalo amaah ah kula jirta xiddiga khadka dhexe ee Tottenham iyo France Tanguy Ndombele, oo 25 jir ah. Waxa uu ahaa saxiixii rikoorka ahaa ee Spurs markii uu ku biiray 2019 heshiis 53 milyan ginni ah. (Goal)

Sevilla ayaa wali dooneysa inay amaah kula soo wareegto weeraryahanka Manchester United iyo France Anthony Martial, oo 26 jir ah, inkastoo laga soo diiday dalab, laakiin waxaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahan kale oo Faransiis ah – Moussa Dembele, 25 – beddelka (Marca)

Newcastle United ayaa soo bandhigtay dalab amaah ah oo ay kula soo saxiixaneyso xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard ka dib markii hal dalab laga soo diiday 29 jirka reer England, kaasoo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga. (Telegraph)

Real Madrid ayaa aad ugu dhow inay lasoo saxiixato weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, oo 23 jir ah, kana tirsan Paris St-Germain , wuxuuna beeca xorta ah ugu biiri doonaa marka uu qandaraaskiisu dhaco. (ESPN)

Newcastle United ayaa dalab 14.5 milyan ginni ah ka gudbisay daafaca bidix ee Bayer Leverkusen iyo xulka Netherlands Mitchel Bakker, oo 21 jir ah. (Mail).

Tottenham ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto 28 jirka daafaca uga ciyaara Sevilla Diego Carlos, iyadoo Newcastle United ay dalab 28 milyan ginni ah ka gudbisay xiddiga reer Brazil. (Dailymail)

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan iyo Ivory Coast Franck Kessie, oo 25 jir ah, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee hadda socda. (Telegraph)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Paul Pogba ayaan u sheegin Manchester United haddii uu doonayo inuu sii joogo kooxda wax ka badan xilli ciyaareedkan, marka uu qandaraaskiisu dhaco. 28-sano jirkaan ayaa waxaa doonaya Paris St-Germain, Real Madrid iyo Juventus. (90min)

Kooxda Saudi Arabia ee Al Hilal ayaa doonaysa inay amaah kula soo wareegto weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, oo 32 jir ah, waxaanay diyaar u yihiin inay bixiyaan dhammaan mushaharka xiddiga reer Gabon ee ah 350,000 oo Gini todobaadkii, waxaana lagu daraa ikhtiyaar ah inay heshiiska ka dhigaan mid joogto ah xagaaga. (Dailymail)

AC Milan, Juventus, Marseille, Paris Saint-Germain iyo Sevilla ayaa dhamaantood wax ka waydiiyay Arsenal helitaanka Aubameyang. (Sky Sports)

Lille ayaa sheegtay inaysan dooneyn inay iibiso daafaca reer Holland ee Sven Botman, kaasoo lala xiriirinayo Newcastle, laakiin AC Milan ayaa riixeysa saxiixa 22 sanno jirkaan, waxaana ay wadahadalo kula jiraan kooxda reer France. (Sky Sports)

Laba kooxood, oo ay ku jiro mid ka mid ah Jarmalka, ayaa xiiseynaya inay amaah kula soo wareegaan weeraryahanka France Ousmane Dembele ka dib markii 24-sano jir, oo Barcelona ugu soo biiray 135 milyan ginni 2017, loo sheegay inuu baxo sababtoo ah wuxuu diiday inuu saxiixo qandaraas cusub. . (Sports)

Daafaca ku guuleystay Koobka Adduunka ee Talyaaniga Fabio Cannavaro, oo 48 jir ah, ayaa Everton waxa ay ka wareysatay doorka tababare ee bannaan. Cannavaro ayaa ilaa bishii Sebtembar hayay xilka kooxda Guangzhou Evergrande ee Shiinaha. (Telegraph)

Tababaraha kooxda Watford Claudio Ranieri ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay ka shaqaynayso saxiixa 24 jirka Bordeaux iyo garabka Nigeria Samuel Kalu 3 milyan ginni, sidoo kale waxay xiiseynayaan daafaca Liverpool Nathaniel Phillips, 24. (Evening Standard).

Southampton ayaa doonaysa in ay heshiis joogto ah kula soo saxiixato weeraryahanka Albania Armando Broja oo ay ka doonayso kooxda chelsea kadib markii uu 20 jirkan qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay intii lagu jiray amaah uu kula joogay Saints. (Independence)

Tottenham ayaa ku biirtay liiska kooxaha xiisaynaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Hull City ee Keane Lewis-Potter oo 20 jir ah.Tigers ayaa diiday dalab 8 milyan ginni ah oo ka yimid Brentford bishii August, Southampton, Leicester iyo West Ham ayaa sidoo kale xiiseynaya. (Thetimes)

Liverpool iyo West Ham ayaa xiiseynaya saxiixa 19 jirka garabka uga ciyaara Fulham Fabio Carvalho, kaasoo ku dhashay Portugal, laakiin u matalay England heer ka hooseeya 18. (Express)

Leeds United ayaa laga soo diiday dalab 15 milyan ginni ah oo ay ka soo diiday kooxda reer Austria ee Red Bull Salzburg oo ay ka doonaysay 21 jirka khadka dhexe ee Maraykanka Brenden Aaronson. (Dailymail)

Tababaraha Norwich City Dean Smith ayaa laga yaabaa inuu dib ugu yeero weeraryahanka Ingariiska Jordan Hugill, 29, amaah uu ku joogay West Bromwich Albion. (East Daily Press)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*