Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Pavel Nedved oo ka hadlay tagista Ronaldo ee Juventus, Arsenal oo u dhaqaaqday Tammy Abraham iyo Qodobo kale

Madaxa kooxda Juventus Pavel Nedved ayaa xaqiijiyay in kooxda ay heshay “wax calaamado ah” oo sheegaya in Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu baxo xagaagan. Sportsmole

Barcelona ayaa lagu wadaa inay kulan la qaadato wakiilka Ousmane Dembele isbuuca soo socda si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa kooxda sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Real Madrid tababare Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa doonayo kooxda inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah haddii heshiiska Kylian Mbappe aan la gaari karto. Fichajes

Tottenham ayaa u dhaqaaqi karta saxeexa khadka dhexe ee AS Roma ee Lorenzo Pellegrini balse u baahan bixinta 26-ka Milyan ee pound ee heshiiskiisa lagu jabin karo si ay u hesho. (Athletic – subscription required)

Arsenal ayaa xiisaynaysa saxeexa 23 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Chelsea ee Tammy Abraham kaas oo ay Blues sidoo kale ula diyaar yihiin Tottenham iyo Inter haddiiba ay ka damcaan Harry Kane ama Romelu Lukaku. (Telegraph)

Real Madrid tababaraheeda cusub ee Carlo Ancelotti ayaa doonaya in Liverpool looga keeno Mohamed Salah haddiiba ay heshiiska Kylian Mbappe oo PSG ka tirsan awoodi waayaan. (Fichajes – in Spanish)

Tottenham ayaa doonaysa saxeexa 28 sano jirka Southampton ee Danny Ings balse dhibaatooyin wajahaysa xilli ay Saints diidan yihiin inay wax ganacsi ah la samayso kooxda waqooyiga London. (Standard)

Atletico Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexa 28 sano jirka khadka dhexe ee Man United ee Jesse Lingard kaas oo ay sidoo kale doonayso West Ham United. (90min)

Fiorentina ayaa la dagaalamaysa xiisaha uu weeraryahankeeda 21 sano jirka ah ee ree Serbia ee Dusan Vlahovic ka helayo Liverpool iyo Tottenham iyaga oo heshiis cusub ka saxeexanaya.(Calciomercato – in Italian)

Real Madrid ayaa aqbashay in Raphael Varane uusan wax heshiis kordhin ah u samayn doonin kooxdeeda isla markaana sugaysa dalab uga yimaada Man United. (Goal)

Heshiiska Varane ee Man United ayaa la dhammeeyay, sidoo kale Kieran Trippier oo Atletico Madrid ka tirsan ayaa ku dhaw inuu ku biiro Red Devils. (Sun)

Arsenal ayaa Tottenham kula xifaaltamaysa saxeexa 23 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aour. (Le10Sport – in French)

Juventus ayaa kordhin doonta cadaadiska ay ku doonayso saxeexa weeraryahanka Man City ee Gabriel Jesus.(Sun)

Everton ayaa diyaar u ah inay dhagaysato dalabaadka laga soo gudbinayo lix kamida xiddigaha kooxdeeda koowaad oo uu kamid yahay james Rodriguez si ay uga caawiso tababare Rafa Benitez dhaqaale uu kooxda dib ugu dhiso. (Telegraph – subscription required)

Tottenham ayaa horumar ka samaysay saxeexa daafaca kooxda Bologna iyo xulka Japan ee Takehiro Tomiyasu waxaana la dhammaystirayaa heshiiskaas gudaha bishan. (Football Insider)

Chelsea daafacadeeda Talyaaniga ah ee Emerson Palmieri ayay doonayaan kooxaha Inter Milan, AS Roma iyo Napoli halka Napoli haddiiba aysan heli karin ay u dhaqaaqi doonto 23 sano jirka ree Uruguay ee Mathias Olivera oo Getafe ka tirsan. (Calciomercato)

Muhiimada koowaad ee Newcastle United xagaagan ka leedahay ayaa ah inay si rasmi ah ula wareegto 21 sano jirka Arsenal ee Joe Willock. (Chronicle)

AC Milan ayaa dalab 34 Milyan oo pound ah ka diiday Paris Saint-Germain oo ka doonaysay Theo Hernandez. (Tuttosport – in Italian)

Inter Milan ayaa ku adkaysanaysa in khadkeeda dhexe ee Nicolo Barella oo kusoo guuleystay Euro uu lama taabtaan yahay xilli lala xidhiidhinayo Liverpool iyo Man United. (Fabrizio Romano on Twitter)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*