Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: PSG oo aan badalin Qorshaheeda Paul Pogba, Kane oo Xog badan ka shifay iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City ayaa ku adkaysanaysa in Harry Kane uu yahay bar-tilmaameedkeeda koowaad ee suuqan walow ay Juventus usoo bandhigtay saxeexa Cristiano Ronaldo. (Mirror)

Kane ayaa u sheegay guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy inuu ku wacad furay heshiis lagu balamay oo ahaa inuu 125 Milyan pound ugu biiro Man City. (Telegraph)

Kane ayaa la sheegayaa inuu ka cadhaysan yahay Levy balse ilo ku dhaw ciyaaryahanka ayaa xusaya inuu waxkasta oo awoodiisa ah siin doono Tottenham. (Mail)

Kaddib markii uu seegay kulankii furitaanka horyaalka ee Tottenham la ciyaartay Man City, Kane ayaa kasoo muuqan doona ciyaarta European Confrence League ee ay kooxdiisu la ciyaari doono Pacos de Ferreira.(Guardian)

Wolves ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Olympiacos oo ay ka doonayso daafaca ree Portugal ee Ruben Semedo kaas oo hore loogu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo inuusan siddeed sano tagi karin dalka Spain kaddib markii uu qirtay dambiyo ay kamid yihiin dhac, weerar iyo af-duubasho. (Sun)

Arsenal ayaa dib ula bilawday wadahadalada kooxda Sheffield United oo qiimaha 35-ka Milyan ee pound ahaa ee Aaron Ramsdale kusoo koobay 24 Milyan oo pound. (Athletic, subscription required)

Tababaraha kooxda Sheffield United ee Slavisa Jokanovic ayaa sheegay in Ramsdale uusan doonayn inuu ku biiro Arsenal.(Mirror)

Liverpool rajadeedii ahayd saxeexa Ismaila Sarr ayaa kor u kacday kaddib markii uu 23 sano jirkaasi u sheegay Watford inuu doonayo bixitaan. (Express)

Newcastle United ayaa  Chelsea wax ka weydiisay haddiiba ay amaah kula saxeexan karto daafaca Welsh-ka ah ee Ethan Ampadu,. (Northern Echo)

Arsenal, Tottenham, Crystal Palace, Aston Villa iyo West Ham ayaa dhammaantood isku dayay saxeexa Tammy Abraham kahor intii uusan Chelsea uga wareegin AS Roma shalay. (90min)

Paris St-Germain ayaan meesha ka saarin inay xilli dambe xagaagan u dhaqaaqi karto saxeexa Paul Pogba oo Man United ka tirsan iyo Eduardo Camavinga oo Rennes qayb ka ah.(L’Equipe – in French)

PSG ayaa qabin wax dareen ah oo ay Kylian Mbappe kaga iibinayso Real Madrid xagaagan. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tottenham ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Chelsea ee Kurt Zouma oo sidoo kale West Ham United lala xidhiidhinayay. (Sky Sports)

Atletico Madrid ayaa u sheegtay Man United iyo Arsenal in daafaceeda midig ee Kieran Trippier uusan iib ahayn. (AS)

Martin Odegaard heshiiska rasmiga ah ee uu ugu biirayo Arsenal ayaa soo dhawaanaya iyadoo ay wararku xusayaan inuusan tababar la samayn Real Madrid shalay. (Athletic, subscription required)

Wolverhampton Wanderers ayaa isku dayaysa inay 21 Milyan oo pound u bandhigto Valencia oo ay ka doonayso Goncalo Guedes. (Birmingham Mail)

Newcastle tababaraheeda Steve Bruce ayaa qaab amaah ah ku doonaya xiddiga Leicester City ee Hamza Choudhury. (Mail)

Everton kubad sameeyaheeda James Rodriguez ayaa meesha ka saaray inuu doonayo ku biirista Atletico Madrid kaddib markii qoraal uu Twitter-ka soo dhigay sidaas loo arkay. (Liverpool Echo)

Watford are close to agreeing a fee of £7.5m for Torino’s Brazilian defender Lyanco, 24. (Sky Sports)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Andreas Pereira ayaa ku dhaw inuu ku biiro kooxda dalkiisa Brazil ee Flamengo kaddib kooxo badan oo uu amaah kula soo joogay. (Mirror

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*