Home Suuqa Kala iibsiga Wararka Suuqa kala iibsiga Maantay oo ah Axad 21da Bisha Todobaad

Wararka Suuqa kala iibsiga Maantay oo ah Axad 21da Bisha Todobaad

0

Manchester United ayaa u furan inay iska iibiso khadka dhexe ee England Mason Mount, oo 25 jir ah, xagaagan. (HITC)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Adrien Rabiot, 29, ayaa ku dhow inuu u saxiixo Manchester United ka dib markii uu ka tagay Juventus dhamaadka qandaraaskiisa. (Goal)

Marseille ayaa ku dhow inay 13.5 milyan ginni kula soo wareegto 28 sanno jirka khadka dhexe ee Tottenham iyo xulka Denmark Pierre-Emile Hojbjerg. (Mail)

Everton ayaa u soo bandhigi doonta 22 jirka daafaca uga ciyaara Ingariiska Jarrad Branthwaite heshiis aad loo wanaajiyay si ay magdhow ugu siiso inuu seegay lacag badan oo uu ugu dhaqaaqi lahaa Manchester United . (Mirror)

Arsenal ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato goolhayaha reer England Tommy Setford, oo 18 jir ah, kana tirsan Ajax kahor safarkooda USA. (Evening Standard)

Arsenal ayaa sare u qaaday dadaalkeeda ku aadan saxiixa 22 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori . (Athletic -Subscription)

West Ham ayaa heshiis afka ah la gashay xiddiga khadka dhexe ee France N’Golo Kante, oo 33 jir ah, kana tirsan Al-Ittihad . (Athletic – subscription)

Aston Villa ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso 31 jirka daafaca uga ciyaara xulka qaranka France ee Lucas Digne. (Football Insider)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Uruguay Manuel Ugarte, oo 23 jir ah, ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester United , taasoo sii wada inay wadahadalo heshiis la gasho Paris St-Germain . (Fabrizio Romano)

Manchester United ayaa 30 milyan ginni dul dhigtay 27 jirka khadka dhexe ee Scotland Scott McTominay. (Football Insider)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Denmark Jesper Lindstrom, 24, ayaa qarka u saaran inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro kooxda Everton oo uu kaga soo biiray Napoli . (CalcioMercato -in italian).

Brighton ayaa wadahadalo la qaadatay Inter Miami oo ku aadan saxiixa 21 jirka qadka dhexe ee Paraguay Diego Gomez. (Sky Sports)

Birmingham City ayaa indhaha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fulham iyo Wales Luke Harris, oo 19 jir ah. (Football Insider)

Lille ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato daafaca West Ham Morocco Nayef Aguerd, oo 28 jir ah, si uu u noqdo bedelka daafaca Faransiiska Leny Yoro, oo 18 jir ah, kaasoo u saxiixay Manchester United . (L’Equipe – in French)

Chelsea ayaa qarka u saaran inay amaah ku dirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Andrey Santos, oo 20 jir ah, mar kale Strasbourg ka dib dhamaadka safarkooda USA(Fabrizio Romano)

Everton ayaa isku dayaysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City iyo xulka England Kalvin Phillips, oo 28 jir ah (Insider).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here