Home Suuqa Kala iibsiga Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Talaado Ah...

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga iyo Wargeysyada Maanta oo Talaado Ah 24-ka July

0

Arsenal ayaa xiiseyneysa xiddiga garabka uga ciyaara Athletic Bilbao Nico Williams, 22, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino, 28, laakiin waxay tartan kala kulmeysaa Barcelona labada ciyaaryahan ee Isbaanishka. (Standard)

Borussia Dortmund iyo Juventus oo ay weheliyaan Paris St-Germain ayaa isha ku haya saxiixa 24 jirka Manchester United iyo England ee Jadon Sancho laakiin ma buuxin karaan qiimaha kooxda Old Trafford. (Sky Sports)

United waxa ay ku dooneysaa Sancho £40m. (Mirror)

Trent Alexander-Arnold waxaa ka go’an Liverpool iyadoo Reds ay rajo ka qabto in 25 jirka daafaca midig ee England uu qandaraas cusub u saxiixo iyadoo ay xiiseyneyso Real Madrid. (Sun)

Manchester City ayaa wadahadalo kula jirta daafaca midig ee Brazil Yan Couto – kaasoo aan wali u ciyaarin kooxda – Borussia Dortmund , waxaana ay filayaan in kooxda Jarmalka ay ku soo bandhigto 22 jirkaan 25 milyan ginni. (Mail)

Manchester United ayaa wax ka yar 40 milyan oo euros (£33.6m) u soo bandhigtay daafaca dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt laakiin Bayern Munich ayaan aqbali doonin wax ka yar 50 milyan euros (£42.2m) oo lagu daray wax ka badan 24 jirkan. (Sky Sports Germany)

Daafaca kooxda Chelsea Trevoh Chalobah ayaa la fahansan yahay in uu aad uga naxay ka tagistiisa ciyaaraha isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay kooxdu ku tagi doonto dalka Maraykanka ,waxana 25-sano jirkaan uu aaminsan yahay in lagu qasbayo in uu kooxda ka tago. (Guardina)

Daafaca dambeedka midig ee England Kieran Trippier, oo 33 jir ah, ayaa xiiso ka helaya laba kooxood oo Sacuudi Carabiya ah, iyadoo hal sano uu uga harsan yahay qandaraaskiisa Newcastle United, wuxuu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda Tyneside. (Nothern Echo)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Joelinton, oo 27 jir ah, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Newcastle United , waxaana uu aaminsan yahay in 26-jirka ay isku dhalashada yihiin ee Bruno Guimaraes “uu sii joogi doono” kooxda, inkastoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo. (Guardian)

Weeraryahanka Brentford iyo xulka England Ivan Toney, oo 28 jir ah, ayaa diyaar u ah inuu bur-buro qandaraaskiisa haddii uusan u dhaqaaqin saxiix weyn xagaagan. (Talksport)

Manchester United ayaa marka hore u baahan doonta inay iska iibiso daafaca midig ee Aaron Wan-Bissaka, oo 26 jir ah, hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan daafaca midig ee Morocco Noussair Mazraoui, oo 26 jir ah, kana tirsan Bayern Munich. (Mirror)

Everton ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli iyo Denmark Jesper Lindstrom, 24, amaah hal xilli ciyaareed ah oo ay ku jirto 18.5 milyan ginni oo ay ku iibsan karaan. (Gianluca Di Marzio)

Kooxda Ipswich Town ayaa isku diyaarinaysa dalab ay ku doonayso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Sunderland ee Jack Clarke iyada oo Tottenham ay qayb weyn ka qaadan doonto lacag kasta oo ay ku doonayso in ay ku iibiso 40% markii ay 23 jirka reer England ka iibisay kooxda Black Cats. (I)

Bologna ayaa xiriir la sameyneysa 35-jirka daafaca uga ciyaara Jarmalka Mats Hummels, kaasoo ah wakiilka xorta ah ka dib markii uu ka tagay Borussia Dortmund, iyagoo doonaya inay bedelaan 22-jirka Riccardo Calafiori, kaasoo qarka u saaran inuu ku biiro Arsenal. (Sky Sport Italy)

Getafe ayaa wax ka yar 5 milyan ginni ka heli doonta weeraryahanka Ingariiska Mason Greenwood oo 26.7 milyan ginni uga soo dhaqaaqay Manchester United kuna biiray Marseille sababtoo ah qiimaha lagu burburin karo qandaraaska oo ay kala xaajoodeen markii ay 22 jirkaan amaah kaga soo qaateen kooxda Old Trafford xilli ciyaareedkii hore. (Times – subscription required)

Weeraryahanka Scotland Oli McBurnie, oo 28 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu si xor ah ugu biiro kooxda reer Spain ee La Liga Las Palmas ka dib markii ay iska fasaxday Sheffield United xagaaga.(Fabrizio Romano)

Kabtanka Rangers James Tavernier, oo 32 jir ah, ayaa wadahadalo kula jira kooxda Turkiga ee Trabzonspor oo diyaar u ah inay 1 milyan ginni ku dalbato daafaca Ingariiska. Kooxda reer Scotland ayaa sidoo kale diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya 26 jirka reer England Todd Cantwell, iyadoo ay xiiseynayaan kooxo badan oo Ingiriis ah. (Sun Scotland)

Chelsea ayaa la soo xiriirtay goolhayaha Danishka ee Filip Jorgensen, oo 22 jir ah, kaasoo u ciyaara kooxda Villarreal. (Standard)

Kooxda heerka labaad ee Derby County ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto goolhayaha Sweden Jacob Widell Zetterstrom, oo 26 jir ah, iyadoo Rams ay heshiis 1.4 milyan ginni ah la gaartay kooxdiisa Djurgardens IF. (Derbyshire Live)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here