Wararka Suuqa kala iibsiga: Man City oo hogaamineysa helitaanka Jack Grealish, Liverpool oo heli karta Bastoni iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 19 maarso

Ciyaaryahankii hore ee xulka France Franck Ribery, 37, ayaa doonaya inuu ku laabto Bundesliga markii qandaraaskiisa Fiorentina uu dhacayo xagaaga. Bild

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa ka dhawaajiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa weeraryahanka reer America ee kooxda Schalke Matthew Hoppe oo 20 jir ah 90min

Daafaca Jarmalka Antonio Rudiger, oo 28 jir ah, ayaa sugi doona ilaa iyo inta uu ka ciyaarayo European Championship ka hor inta uusan mustaqbalkiisa kala hadlin Chelsea, halkaasoo uu kula joogo qandaraaskiisa ilaa June 2022. (Sun)

Kooxda Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo Goolhayaha reer Argentine ee kooxda Aston Villa Emiliano Martinez oo 28 jir ah Football Insider

Manchester City ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Aston Villa Jack Grealish, oo 25 jir ah, kaasoo bartilmaameed muhiim u ahaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United. Dailymail

Liverpool ayaa ka fiirsaneysa inay 43 milyan oo ginni kula soo wareegto daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan iyo xulka Italy Alessandro Bastoni, oo 21 jir ah, kaasoo sidoo kale ay doonayaan Bayern Munich iyo Barcelona. Gazzetta dello Sport.

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 19 maarso

Sevilla ayaa diyaar u ah inay si weyn hoos ugu dhigto qiimaha Jules Kounde ee ay ku dooneyso inay ku hubiso inay lacag ku hesho daafaca xagaagan, sida ay qortay El Gol digital.

Real Madrid ayaa diirada saareysa garabka Levante Jorge de Frutos si ay ugu bedesho Lucas Vazquez, sida ay qortay jariirada Marca.

Juventus ayaa diyaar u ah inay soo nooleyso xiisihii ay u qabtay weeraryahanka reer Poland Arkadiusz Milik, sida laga soo xigtay Calciomercato.

Wareysi uu siiyay Kicker , xidiga Bayern Munich Michael Cuisance wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu sii joogo dalkiisa, halkaasoo uu ku riyaaqay waqti badan oo uu kula ciyaaro Marseille oo qaab amaah ah kula joogo. Kicker ,

Chelsea ayaa weli dooneysa inay qandaraaska u kordhiso Thiago Silva, sida uu warinayo Fabrizio Romano .

Manchester United ayaa rajeyneysa inay ka dul qaado kooxaha sida Chelsea iyo Real Madrid Erling Haaland, sida ay qortay Express Sport.

Lucas Vazquez ayaa, sida laga soo xigtay Marca , wuxuu kusii jeedaa bixitaanka Real Madrid. Wadahadalo ku saabsan qandaraas cusub oo uu kula joogayo Santiago Bernabeu ayaa mar kale burburay, taasoo la micno ah in 29 jir uu si xur ku bixi karo. Marca 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*