Wararka Suuqa kala iibsiga: Man City oo Labo Xidig u aragta Badalka Aguero, iyo Qodobo kale oo muhiim ah

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 31 Maarso

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ka codsaday Barcelona inay la soo wareegto Manchester City weeraryahankeeda  Sergio Aguero  hadii ay doonayaan in uu saxiixo heshiis cusub. Football Insider

Real Madrid ayaa ah meesha uu ku biiri karo xagaagan weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland sida uu sheegayo saxafiga Josep Pedrerol . El Chiringuito

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la yeelatay Edinson Cavani , iyagoo doonaya inay ku qanciyaan weeraryahanka inuu sii joogo xilli ciyaareedkaan. Daily Mail ,

Manchester City ayaa qarka u saaran inay sameyso wax walba oo ay ku qaadaneyso soo xero gelinta labada xiddig ee Erling Haaland iyo Jack Grealish, , sida ay qortay Daily Mail .

AC Milan ayaan siinaynin dookha koowaad ee Gianluigi Donnarumma mushaharka uu doonayo, sida ay warinayso Sky Sport Italia . Kooxda ayaa raadineysa heshiis 7 milyan euro ah sanadkii, halka Donnarumma ay dooneyso wax intaas ka badan. Sky Sport Italia.

Juventus ayaa la filayaa inay la soo saxiixato Manuel Locatelli oo ka socda Sassuolo,  sida  ay qortay Tuttosport .

Daafaca Schalke Shkodran Mustafi ayaa xiiseynaya kooxda Inter – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Tiemoue Bakayoko ayaa qarka u saaran inuu ku laabto Chelsea xagaagan – sida laga soo xigtay Gazzetta Dello Sport .

Roma iyo Inter ayaa ku dagaalamaya saxiixa Nikola Maksimovic oo ka socda Napoli xagaagan.

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 31 Maarso

Juventus ayaa indhaha ku haysa saxiixa xiddiga Lyon Houssem Aouar.

Calciomercato.it

Sergio Aguero ayaa lala xiriirinayay Barcelona bilihii la soo dhaafay, laakiin weeraryahanka ayaa ugu hooseeya liiska mudnaanta kooxda. Mundo Deportivo

Juventus, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa dhamaantood xiiseynaya u dhaqaaqista Sergio Aguero, sida ay warinayso ESPN .

Tottenham ayaa ka dhigtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig Marcel Sabitzer mid ka mid ah bartilmaameedyadooda ugu sareeya xagaagan, sida ay qortay football.london.

AC Milan ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Anderlecht Sambi Lokonga, sida ay qortay  Voetbalkrant

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*