Wararka Suuqa kala iibsiga: Manchester City oo Farsamo kale ku wajaheysa Harry Kane, Raphael Varane oo ka tagaya Real Madrid, Iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa muujineysa xiisaha ay u qabto xidiga Real Sociedad iyo weeraryahanka Sweden Alexander Isak, sida ay qortay jariirada AS .

Inter ayaa xiriir la sameysay Barcelona si ay ula soo wareegto Jordi Alba, sida ay qortay Mundo Deportivo.

Real Madrid ayaa aaminsan in daafaceeda Raphael Varane uu ka tagayo kooxda xagaagan, sida ay qortay The Athletic .

Crystal Palace ayaa qarka u saaran inay u magacowdo Lucien Favre tababarahooda cusub, sida ay qortay The Athletic.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay sanad sugto Harry Kane hadii heshiiska weeraryahanka Tottenham uusan shaqeyn xagaagan, sida ay qortay ESPN .

PSG ayaa heshiis la gaartay Inter oo ku aadan saxiixa Achraf Hakimi, Kooxda Ligue 1 ayaa bixin doonta 70 million (£ 60m / $ 84m) oo ay kujirto gunooyin la siinayo ciyaaryahanka reer Morocco, kaasoo saxiixi doona heshiis shan sano ah. sida ay qortay ESPN .

Daafaca Manchester City Taylor Harwood-Bellis ayaa qarka u saaran inuu heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro kooxda reer Belgium ee Anderlecht,  sida  ay xaqiijisay Goal .

Ryan Bertrand ayaa ku sii dhowaanaya ku biiritaanka kooxda Leicester City si bilaash ah inkastoo ay xiiseynayaan kooxaha Arsenal, Monaco iyo AC Milan, sida ay qortay Goal

Paris Saint-Germain ayaa xiriir la sameysay Sergio Ramos ka dib markii uu ka tagay Real Madrid , sida ay qortay Goal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton James Rodriguez ayaa ka soo muuqday liiska Milan ee suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Arsenal ayaa diyaar u ah inay amaah ku siiso daafaca aan fadhin ee William Saliba kooxda Newcastle inta lagu jiro ololaha 2021-22 – sida laga soo xigtay Football Insider .

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*