Wararka Suuqa kala iibsiga: Manchester United oo Dhameystireysa Saxiixa Labo Ciyaaryahan, Arsenal oo iska iibineysa Saddex Xidig Iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Matheus Fernandes ayaa dacweyn doona Barcelona ka dib markii qandaraaskiisa la kansalay, sida ay qortay Mundo Deportivo .

Harry Kane ayaa shaaca ka qaaday inuu la xiriiray tababarihiisii ​​hore Jose Mourinho intii lagu jiray Euro 2020 laakiin weli ma uusan la xiriirin tababaraha cusub ee Tottenham Nuno Espirito Santo. Goal

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dib u soo ceshato xiisaha ay u qabtogoolhayaha Barcelona ee Neto Moura , sida laga soo xigtay, Mundo Deportivo

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay la soo wareegto labo ciyaaryahan oo kala ah Raphael Varane iyo Eduardo Camavinga iyadoo wadar ahaan lagu iibinayo 75 milyan oo ginni. Sida laga soo xigtay Marca

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu iska diro Alexandre Lacazette , Reiss Nelson iyo Ainsley Maitland-Niles suuqa kala iibsiga ee haatan. Sky Sport

Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirta Leon Goretzka iyo Kingsley Coman oo ku saabsan mustaqbalka labadooda ee garoonka Allianz Arena. Goal

Manchester United ayaa ugu horeysa Real Madrid iyo PSG iyagoo doonaya saxiixa Rennes Eduardo Camavinga, sida ay qortay Marca .

Inter ayaa diyaar u ah inay weerar ku qaado Liverpool si ay u hesho daafaca bidix ee reer Greek Kostas Tsimikas, sida uu sheegayo Corriere dello Sport.

Nice ayaa kula dagaalameysa Ligue 1 kooxda ay xafiiltamaan ee Marseille iyagoo isku dayaya inay soo xero geliyaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sassuolo Jeremie Boga, Le10Sport .

Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay la saxiixatay kabtankii hore ee kooxda Barcelona Vicky Losada heshiis labo sano ah.

Real Madrid ayaa, sida laga soo xigtay Defensa Central , waxay diyaar u tahay inay kubad adag la ciyaarto Manchester United iyadoo ka heleysa Raphael Varane.

Arsenal ayaa kalsooni ku qaba inay garaaci karaan Manchester City helitaanka Xidiga sida laga soo xigtay football.london , Ben White.

Tottenham ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay u dhaqaaqdo weeraryahanka reer Switzerland Haris Seferovic, sida uu yiri Rudy Galetti.

Juventus ayaa, sida laga soo xigtay Tuttosport , waxay qarka u saaran tahay inay wadahadal la gasho wakiilka Cristiano Ronaldo toddobaadkan.

Arsenal ayaa rajeyneysa inay dhameystirto saxiixa daafaca bidix ee Benfica Nuno Tavares, sida laga soo xigtay Standard.

Gareth Bale ayaa qarka u saaran inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka 2021-22, sida ay qortay Daily Mail .

Manchester City ayaa qarka u saaran inay weyso Jack Grealish waxaana suuragal ah inaysan helin fursad kale oo ay kula soo saxiixato ilaa 2023, ayuu yiri This Is Futbol

Manchester United ayaa kor u qaadeysa dadaalkeeda ay ku dooneyso inay ku soo jiito Eduardo Camavinga kooxda Rennes, sida ay qortay The Guardian .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*