Wararka Suuqa kala iibsiga: Manchester United oo hogaamineysa Tartanka Harry Kane, Man City oo Xiriir la sameesay Antoine Griezmann iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa hogaamineysa labada koox ee Chelsea iyo Manchester City tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka reer England Harry Kane, oo 27 jir ah, iyadoo Tottenham ay weydiisatay 100 milyan ginni iyo labo ka mid ah ciyaartoyda kooxda koowaad ee Red Devils. (Footballinsider247)

Manchester City ayaa xiriir la sameysay weeraryahanka reer France Antoine Griezmann, oo 30 jir ah, oo ku saabsan heshiis uu kaga dhaqaaqayo Barcelona. (Footmercato)

Tottenham ayaa kula biirtay Arsenal, PSG iyo Atletico Madrid xiisaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon iyo France Houssem Aouar, oo 23 jir ah (Metro)

Arsenal ayaa kordhisay dalabkeeda ku aadan daafaca Brighton Ben White waxayna sameysay dalab seddexaad oo ah 48 milyan ginni iyo 6 milyan ginni oo lagu daro 23 jirkaan reer England. (Dailystar)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England U21 ee Emile Smith Rowe, oo 20 jir ah, kaasoo ku guuldareystay labo dalab oo ka yimid Aston Villa , ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub oo shan sano ah u saxiixo Gunners. (Birmingham Mail)

Kooxaha Napoli iyo Roma ayaa xiiso u qaba saxiixa daafaca reer Italy ee Emerson Palmieri oo 26 jir ah kana ciyaara kooxda chelsea – laakiin maaha 20 milyan oo euro oo u dhiganta 17 milyan oo euro oo ay ku doonayso xiddig heshiiskiisu dhacayo June 2022. ( Football Italia)

Daafaca Kurt Zouma ayaa la filayaa inuu ka tago Chelsea xagaagan, iyadoo kooxaha Everton Tottenham iyo Jose Mourinho ee Roma ay dhamaantood xiiseynayaan 26 jirkaan reer France, kaasoo horay u diiday dalab uga yimid kooxda Wolves (Telefoot on Twitter)

Sampdoria waxaa ka go’an inay sii heysato weeraryahanka reer Denmark Mikkel Damsgaard ugu yaraan xilli ciyaareed kale, iyadoo Liverpool iyo Tottenham iyo sidoo kale Juventus iyo Barcelona ay ka mid yihiin kooxo badan oo xiiseynaya 21 jirkaan. (Gazzetta dello Sport)

Goolhayaha reer Spain Kiko Casilla oo 34 jir ah ayaa doonaya inuu ka tago Leeds United si uu ugu biiro kooxda ka ciyaarta La Liga ee Elche sababtoo ah waqti yar oo uu ku ciyaaro Elland Road. (Mirror)

Manchester United ayaa la sheegayaa inay “aad u jahwareersan tahay” inay isku daydo inay lasoo saxiixato daafaca Barcelona Samuel Umtiti, iyadoo Arsenal sidoo kale lala xiriirinayo 27 jirkaan heerka caalami ee reer France. (El Gol

Dawacooyinka ayaa sidoo kale ku dhow inay la wareegaan xidiga bilaashka ah ee Ryan Bertrand. 31-sano jirkan daafaca buuxa ma cusbooneysiin heshiiska uu kula joogo Southampton. (Leicester Mercury)

Barcelona iyo Tottenham ayaa kula biiray Manchester United oo lala xiriirinayo 23 jirka daafaca reer Argentina ee Cristian Romero kaasoo amaah kaga qaadanaya Atalanta kooxda Juventus . Atalanta waxay heysataa ikhtiyaar ay ku iibsato Romero oo ku kacaya £ 14m oo ay ku heli karto lacag kaash ah oo ay ku dooneyso qiimo gaaraya £ 51m. (Calciomercato)

Tottenham iyo Manchester United ayaa isha ku haya 25 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Lyon ee Joachim Andersen kaas oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula qaatay kooxda Fulham. (Footmercato)

Weeraryahankii hore ee Manchester City, West Ham iyo Manchester United Carlos Tevez, oo 37 jir ah oo ka tagay Boca Juniors dalkiisa hooyo ee Argentina horaantii bishii July, ayaa sheegay inuu doonayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku dhameysto dalka Mareykanka isla markaana uu horeyba u heystay seddex dalab (ESPN Deportes)

Daafaca Liverpool Ben Davies, 25, ma doonayo inuu ka tago kooxda inkastoo lala xiriirinayo Celtic iyo Bournemouth (dailymail)

Ciyaaryahankii hore ee xulka France Franck Ribery, 38, ayaa yiri “waa wax laga xumaado” in Fiorentina aysan u soo bandhigin qandaraas kordhin ka badan dhamaadka bisha June madaama uu jeclaan lahaa inuu sii joogo kooxda ka dhisan Serie A. (Football Italia)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*