
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Alaves ayaa laga yaabaa inay Facundo Pellistri dib ugu celiso Manchester United bishaan – sida laga soo xigtay Noticias de Alava .
Fiorentina ayaa dejisay qiimihii ugu dambeeyay ee ay ku doonayso bartilmaameedka Newcastle Nikola Milenkovic – sida laga soo xigtay The
Marcus Rashford ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Manchester United – sida laga soo xigtay ESPN .
Manchester United ayaa meel fiican marineyso dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli Fabian Ruiz – sida laga soo xigtay La Repubblica .
Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay kula wareegto Sergino Dest aduun dhan 20 milyan oo Yuuro una dhiganta 17 milyan ginni ama $23m marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaagan. El Nacional
Manchester United ayaa la xiriirtay Mauricio Pochettino oo ku saabsan doorka maamule ee kooxda, sida ay warineyso Le Parisien .
Juventus ayaa ka cago jiideyso in Arthur uu amaah ugu biiro kooxda Arsenal. Gianluca Di Marzio
Juventus ayaa mar kale sahaminaysa ikhtiyaarka ah in Memphis Depay ay amaah ugala soo wareegto Barcelona, sidaas waxaa qortay Mundo Deportivo .
Manchester United ayaa diyaar u ah inay amaah ku dirto Amad Diallo suuqa jiilaalka, sida ay ku warameyso Manchester Evening News .
Be the first to comment