Wararka Suuqa Kala iibsiga: Milinkovic-Savic, Haaland, Bissouma, Sanchez, Pogba

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa ku raad joogta saxeexa khadka dhexe ee Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic oo 26 sano jir ah. (Calciomercato – in Italian)

United ayaa mushahar toddobaadkii £500,000  u bandhigtay Paul Pogba si uu kooxda usii joogo. (Sun)

Pogba ayaa beeniyay wararka sheegaya in heshiis cusub Man United usoo bandhigtay. (Mail)

Man United ayaa gabi ahaanba ka baxday tartankii saxeexa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland. (Mirror)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay mushahar toddobaadkii £80,000 siiso Gavi oo Barcelona ka tirsan si ay ula saxeexato. (El Nacional – via Mail)

Man City ayaa sidoo kale xiisaynaysa Gavi oo heshiiskiisa 42 Milyan oo pound lagu jabin karo. (El Nacional, via Mail)

Everton ayaa loo bandhigay inay qaab bilaash ah kula wareegto xiddiga Inter Milan ee Alexis Sanchez oo 33 sano jir ah. (Sun)

Aston Villa ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Yves Bissouma. (Sky Sports)

West Ham ayaa diidi doonta dalabaadka ay Newcastle kasoo gudbiso Issa Diop. (Football London)

Newcastle ayaa kordhisay dalabkii ay ku doonaysay daafaca dhexe ee kooxda Lille ee Sven Botman. (Newcastle Chronicle)

Brendan Rodgers ayaa sheegay inuu doonayo inuu daafac dhexe amaah ku keeno Leicester. (Leicester Mercury)

Liverpool ayaa diiday dalab 7 Milyan oo pound ah oo ay Watford ku doonaysay daafaceeda Nathaniel Phillips. (Football Insider)

Liverpool ayaan sidoo kale diyaar u ahayn inay Divock Origi qiimo jaban ku fasaxdo bishan January. (Liverpool Echo)

Sevilla ayaan diyaar u ahayn in daafaceeda dhexe ee Diego Carlos uusan qiimo jaban ugu wareegin Newcastle United. (Daily Star)

AC Milan khadkeeda dhexe ee Franck Kessie ayaa wadahadalo kula jira Real Madrid walow uu xiiso ka helay Liverpool iyo Tottenham. (El Nacional – in Italian)

Arsenal khadkeeda dhexe ee Ainsley Maitland-Niles ayaa gaadhay Italy kahor heshiiska uu ugu wareegayo AS Roma. (football.london)

Tababare Mikel Arteta ayaa meesha ka saaray inuu kooxda dib ugula soo saxeexdo Jack Wilshere oo haatan iyaga tababar la samaynaya. (London Evening Standard)v

Chelsea ayaa baadhitaan ku wada dookhyadeeda daafaca dhexe si ay ugu bedesho Ben Chilwell oo dhaawac mudo fog ku maqnaan doona, Lyon ayay kala hadlayaan soo celinta Emerson Palmieri oo ay hore amaah ugu siiyeen. (Evening Standard)

Barcelona ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee indho-indhayn ku samaysa xaalada Antonio Rudiger ee Chelsea xilli heshiiskiisu dhacayo sanadkan. (Sky Sports)

Mikel Arteta ayaa sheegay in Arsenal ay saxeexyo samayn doonto suuqan January xilli ay xiisaynayaan Dusan Vlahovic oo Fiorentina ka tirsan. (Mirror)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*