Wararka Suuqa Kala iibsiga: Ndombele, Bergwijn, Fernandes, Mbappe, Digne, Schick, Mateta

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham xiddiga ugu qaalisan taariikhdeeda ee Tanguy Ndombele oo 54 Milyan oo pound ku jooga ayaa rajaynaya inuu bishan iskaga baxo kooxdaas. (Athletic)

Steven Bergwijn ayaa u muuqda mid haya wadadii uu kaga bixi lahaa Tottenham, Ajax ayaa kamida kooxaha xiisaynaya. (Fabrizio Romano on Twitter)

Paris St-Germain da’yarkeeda Kylian Mbappe ayaa iska diidi kara heshiis uu ugu wareego Real Madrid isaga oo qandaraas kordhin u samayn kara PSG. (Le Parisien – in French)

Bayer Leverkusen weeraryahankeeda Patrik Schick ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa walow lala xidhiidhinayo bixitaan suuqan January. (Bild – in German)

Newcastle ayaa weeraryahanka RB Leipzig ee Noah Okafor ku darsatay liiska weeraryahanada ay kooxdeeda ka doonayso. (Teamtalk)

Manchester United khadkeeda dhexe ee Bruno Fernandes ayaa beeniyay wararka la xidhiidhinaya Barcelona isaga oo bar-bardhigay maalinta beenta aduunka ee 1-da April. (Sun via Instagram)

Goolhayihii ree Ireland ee Shay Given ayaa Caoimhin Kelleher oo Liverpool ka tirsan kula taliyay inuu iskaga tago kooxdaas bishan January si uu wakhti ciyaareed intan ka badan u helo. (Premier Sport via Liverpool Echo)

Weeraryahan Jean-Philippe Mateta ayaa ku dhaw inuu Crystal Palace iskaga tago, 24 sano jirkaas oo amaah kaga soo maqnaa kooxda ree Germany ee Mainz ayaa u wareegaya St Etienne. (Standard)

Arsenal daafaceeda bidix ee Sead Kolasinac ayaa wadahadalo uu qaab bilaash ah ugu wareegayo xagaaga la yeeshay Marseille kaddib markii uu hoos uga dhacay xulashada Mikel Arteta ee Emirates Stadium. (L’Equipe via Sun)

Chelsea tababaraheeda Thomas Tuchel ayaa soo jeediyay in Ross Barkley uu amaah ku bixi karo bishan January. (90 Min)

Newcastle ayaa xiisaynaysa saxeexa khadka dhexe ee Ibrahim Sangare oo ka tirsan PSV Eindhoven. (Mail)

Newcastle ayaa Monaco la yeelatay wadahadalo la xidhiidha Benoit Badiashile, daafacaas dhexe ee 20 sano jirka ah ayaa lagu qiimeeyaa £35 Milyan. (Mail)

Manchester City khadkeeda dhexe ee Tommy Doyle ayaa soo af-meeray heshiiskii uu ku joogay Hamburg. 20 sano jirkaas ayaa heshiis kale oo amaah ah kaga baxaya Etihad bishan January. (Manchester Evening News)

Manchester United ayaan wax dalab ah u helin 28 sano jirka khadka dhexe ee Paul Pogba. waxa lagu wadaa inuu xagaaga bilaash kaga baxo Old Trafford. (Mail)

 

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*