Wararka Suuqa kala iibsiga: Ronaldo oo go’ankiisa u sheegay Juventus, Varane oo ku sii dhawaanaya Man United iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa goolhayaha Atalanta Pierluigi Gollini, sida ay qortay  Sky Sport

Ku biirista Raphael Varane ee Manchester United ayaa ah mid kooxda ay ku sii dhowdahay, sida laga soo xigtay Onda Cero .

Lukas Nmecha ayaa ka tagay kooxda Manchester City waxana uu ku biiray kooxda Wolfsburg sida lagu xaqiijiyay webka kooxda ManCityFC.

Arsenal ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso daafaca Brighton Ben White aduun dhan £ 50m ($ 69m), sida ay qortay Sky Sports .

Inter ayaa raadineysa inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato Alex Telles, sida uu warinayo Gianluca Di Marzio .

Sassuolo ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee Juventus ee Manuel Loctalli, sida ay qortay warbaahinta Goal

Saaxiibada Harry Kane ee reer England ayaa rumeysan inuu xidigan diididoono tababarka si uu ugu qasbo inuu u dhaqaaqo Manchester CIty, sida ay qortay Telegraph .

Xilli ciyaareedkan ayaa noqon kara kii ugu dambeeyay ee Josef Martinez ee Atlanta United, sida laga soo xigtay Athletic .

Tabaraha Cusub ee Tottonham Nuno Espirito Santo ayaa ku celiyay in Xidiga Kanne uu yahya Ciyaaryahankooda kuna xisaabtamayaan xili ciyaareedka cusub.

Xiddiga Atletico Madrid Saul ayaan go’aansan inuu boxo mustaqbalkiisa dhow, waxaana uu dalabyo ka helayaa kooxo badan, sida uu sheegay wakiilkiisa. sida ay qortay AS

Raheem Sterling ayaa laga iibin karaa kooxda Manchester City, sida uu sheegeyso The Athletic .

Cristiano Ronaldo ayaa, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport , u sheegay Juventus inuu doonayo inuu sii joogo.

Barcelona ayaa isku dayaysa inay Ousmane Dembele ka saxiixdo heshiis cusub, sida laga soo xigtay  Sport .

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*