Wararka Suuqa kala iibsiga: Sergio Aguero oo ka tagaya kooxda Man City iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga 30 Maarso

 Fernandinho ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester City xagaagan taasoo dhabar jab kale ku ah hogaanka kooxda, sida laga soo xigtay The Athletic .

Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay Romelu Lukaku kala soo saxiixato Inter Milan haddii ay waayaan Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, sida uu qoray wargayska Mundo Deportivo .

Mohamed Salah ayaa diiday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Liverpool, isagoo sheegay inuu u dhaqaaqi karo meel kale sida ugu dhaqsiyaha badan xagaagan “aniga iguma xirna”. Goal

Gianluigi Buffon ayaa laga yaabaa inuu ka tago Juventus uuna ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Napoli isagoo raadinaya shaqo uu ka bilaabo halkaasi, Gazzetta dello Sport .

Mustaqbalka Mario Mandkuzic ee Milan ayaa hawada ku jira madama uu dhacayo heshiis 6 bil ah oo kooxda ugu biiray, sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga 30 Maarso

Sergio Aguero ayaa qarka u saaran inuu ku gacan seyro Barcelona si uu ugu biiro Paris Saint-Germain sida uu sheegayo Todo Fichajes .

Gareth Bale ayaa cadeeyay hadaladiisa ku aadan mustaqbalkiisa ka hor inta uusan dhicin heshiiskiisa amaahda ee Tottenham, isagoo ku adkeysanaya in qandaraaskiisa ay la micno tahay inuu “sharci ahaan” ku laabanayo Real Madrid. Goal

Arsenal ayaa ugaarsi ugu jirta saxiixa weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , kooxo dhowr ah – oo ay ku jiraan Roma, Atletico Madrid iyo RB Leipzig ayaa sidoo kale xiiseynaya. Calciomercato ,

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay inuu ku boorrin doono Martin Odegaard inuu heshiis amaah ah oo uu kula joogo Arsenal u bedelo heshiis joogto ah. Dialystar

Barcelona ayaa dalab qandaraas ah ka gudbisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum. Mundo Deportivo

Manchester City ayaa ku dhawaaqday in weeraryahankeeda Sergio Aguero uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan. Goal

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Manchester City Liam Delap. DailyStar

Jeremy Sarmiento ayaa ka tagaya Benfica, iyadoo aabaha dhalay ciyaaryahanka uu xaqiijiyay in heshiis horudhac ah lala gaaray koox ka dhisan Premier League. Goal

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*