Wararka Suuqa kala iibsiga: Sergio Ramos oo guri ka raadsanaya Paris, Raheem Sterling oo ka tagaya Manchester City iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa wax ka weydiisay helitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches – sida laga soo xigtay 90min .

Tottenham ayaa ku sii dhawaaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Bologna Takehiro Tomiyasu, sida ay qortay Sun.

Jadon Sancho ayaa qarka u saaran inuu helo mushahar kordhin aad u badan isagoo u dhaqaaqaya Manchester United, sida ay qortay jariirada Star.

Raheem Sterling ayaa ka careysan Manchester City madama ay diyaar u ahaayeen inay ku daraan heshiis kasta oo macquul ah oo ay kula soo wareegayaan Harry Kane oo Tottenham ah, sida ay qortay Mirror.

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Rennes Eduardo Camavinga, sida ay qortay Mail.

Arsenal ayaa si aad ah u doonaysa da, yarka PSV ee Noni Madueke waxana la filayaa in ay kor u qaado xiisaheeda xagaagan sida ay qortay Todofichajes.

AC Milan ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto daafaca buuxa ee Barcelona Junior Firpo, sida laga soo xigtay Sport.

Barcelona ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga kooxda Valencia Jose Luis Gaya hadii Jordi Alba uu baxo xagaagan, sida ay qortay jariirada Marca.

Sergio Ramos ayaa guri ka raadsanaya magaalada Paris, taasoo dhalisay warar xan ah oo ku aadan inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain. Sida ay qortay Mundo Deportivo.

Daafaca Leciester Wesley Fofana ayaa ah daafaca dhexe ee ugu dambeeyay ee iska diiwaan galiyay raadaarka Real Madrid, sida ay qortay Fichajes.

Chelsea ayaa ka baxday tartanka loogu jiro daafaca Inter Achraf Hakimi, sida ay qortay Gazzetta dello Sport.

Donyell Malen ayaa u muuqda “bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga” Liverpool, sidaas waxaa qortay The Mirror.

Burnley ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya James Tarkowski, sida ay qortay Football Insider.

Philippe Coutinho ayaa ku riyoonaya inuu ku laabto Liverpool kana tago Barcelona, ​​sida ay qortay Sport.

Real Madrid ayaa diyaarinaysa dalab 50 milyan oo euro ah (£ 43m / $ 60m) oo ay ku doonayso Jules Kounde, sida uu warinayo ABC .

Nuno ayaa weydiisan doona Tottenham inay la soo wareegto Conor Coady hadii uu qabto xilka tababarenimo ee waqooyiga London, sida ay qortay Football Insider.

Arsenal ayaa, sida laga soo xigtay The Mirror, qorsheyneysa inay wadahadalo qandaraas kordhin ah la yeelato Emile Smith Rowe.

Juventus ayaa rajeyneysa inay ku hesho 40 milyan ginni (£ 34m / $ 48m) daafaca dhexe Merih Demiral,  sida  ay qortay Tuttosport .

Manchester United ayaa ku dhow inay xirto saxiixa Jadon Sancho. Red Devils ay heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England isla markaana ay ku dhow yihiin inay heshiis gaaraya .5 77.5 million ($ 108m) la galaan Borussia Dortmund sida ay qortay Football Insider

Barcelona ayaa kordhinaysa isku daygeeda ah inay qandaraas cusub ka saxiixdo Lionel Messi,   sida ay qortay BBC Sport .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*