Wararka Suuqa kala iibsiga: Sergio Ramos oo ka tagaya Real Madrid, Maamulka Barcelona oo Heshiiska Messi ka Hadlay iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arjen Robben ayaa ka fikiraya inuu howlgab noqdo ka dib markii uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ku qaatay Groningen, sida ay ku warameyso ESPN Netherlands .

Sergio Ramos ayaa sameyn doona dalabyo muhiim ah oo mushaar ah ugu yaraan 12 milyan euro sanadkii ka dib markii uu si rasmi ah uga tago Real Madrid, sida ay qortay jariirada AS .

Chelsea ayaa sii wadi doonta inay ka dukaameysato suuqa kala iibsiga iyadoo qorsheyneysa inay keensato da ‘yarka Borussia Dortmund Jude Bellingham Goal

Arsenal ayaa dalab ka gudbineysa ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee FC Porto Jesus Corona, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 21.4 milyan ginni, lakiin waxaa macquul ah inuu si bilaash ah ku baxo, sida ay qortay Daily Mail .

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in Lionel Messi uu doonayo inuu sii joogo kooxda, kaliyana ay tahay xeerarka maaliyadeed ee ka hortaagan inay ku dhawaaqaan qandaraas cusub.

Laporta ayaa sheegay in 33 jirkaan lagu qanciyay inuu baaqi kusii ahaado Barca, islamarkaana ay doonayaan inay heshiis la gaaraan “sida ugu dhaqsiyaha badan”.Laporta FCBarcelona.

Sergio Ramos ayaa ka tagaya Real Madrid. Kooxda ayaa xaqiijisay Arbacadii inuu ka tagayo dhamaadka qandaraaskiisa. Goal

Ronald Koeman ayaa sheegay in Barcelona ay ku dhowdahay saxiixa Memphis Depay.

Depay ayaa Arbacadii sheegay inuu doonayo inuu markale ka hoos ciyaaro macallinka reer Holland xilli ay jiraan warar sheegaya inuu xirfadiisa ka sii wadan doono Barcelona. NOS:

Waxaa la magacaabay kaliya bishii May, laakiin Gennaro Gattuso ayaa ka tagi kara Fiorentina.

Gianluca Di Marzio ayaa warinaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya tababaraha iyo kooxda oo ku aadan ciyaartoyda ay la soo saxiixdaan.

Arsenal ayaa xiiseyneysa inay Aaron Ramsdale kala soo wareegto Sheffield United, sida laga soo xigtay Sky Sports .

Memphis Depay ayaa sheegay in uu doonayo in uu mar kale ka hoos ciyaaro Ronald Koeman iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu ku biiri doono kooxda Barcelona xagaagan. sida laga soo xigtay ESPN

Arsenal ayaa laga soo diiday dalab furitaan oo ahaa 40 milyan oo euro oo ay ka gudbisay daafaca Brighton Ben White,  sida ay  ogaatay shabakadda Goal .

Atletico Madrid ayaa diiday dalab uga yimid Manchester United oo ku aadan daafaca midig Kieran Trippier, sida uu warinayo Fabrizio Romano .

Atletico Madrid ayaa miiska saartay € 28 million (£ 24m / $ 34m), oo lagu daray gunooyin, oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Udinese Rodrigo De Paul iyadoo isha ku heysa inay dhameystirto heshiiska ciyaaryahanka reer Argentina. Goal Spain.

Aymeric Laporte ayaa meesha ka saaray warbixin ay daabacday majaladda Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo taas oo soo jeedinaysa inuu ka shakisan yahay mustaqbalkiisa Manchester City isla markaana uu ku riyoonayo ku biirista Barcelona.

Daafaca midig ee Manchester United Diogo Dalot ayaa doonaya inuu sii joogo Milan xilli ciyaareed kale – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*