Wararka Suuqa kala iibsiga: Theo Hernandez, Christian Erkisen, Isco, Ainsley Maitland-Niles, Adama Traore, Axel Tuanzebe

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Xiddiga Arsenal ee Ian Wright ayaa ku booriyay Gunners inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Georginio Wijnaldum. Goal

Agaasimaha farsamada Milan Paolo Maldini ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirto Theo Hernandez, Ismael Bennacer iyo Rafael Leao. Romano

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Christian Erkisen, sida ay warineyso Todofichajes .

Roma ayaa xaqiijisay inay amaah kula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Ainsley Maitland-Niles. Goal

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo garabka Wolves Adama Traore hadii Ousmane Dembele uu ka tago kooxda, sida laga soo xigtay Sport .

Napoli ayaa heshiis amaah ah kula soo saxiixatay daafa Axel Tuanzebe kaas oo ay kaga soo qaadatay Manchester United inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. SSC Napoli

Radamel Falcao ayaa ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo Rayo Vallecano, sida laga soo xigtay Marca .

AC Milan oo la kulmi doonta wakiilka Rafael Leao si ay ugala hadlaan heshiis cusub oo uu u saxiixo xiddiga garabka ka ciyaara. La Gazzetta dello Sport 

Fiorentina ayaa kalsooni ku qabta inay Isco kala soo wareegi doonto Real Madrid bisha Janaayo, ayuu yiri 

Fabio Blanco Gomez ayaa ka tagay Eintracht Frankfurt kuna biiray Barcelona, ​​sida la xaqiijisay Profis .

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*