Wararka Suuqa kala iibsiga: Wadahadal u socda Pogba iyo Kooxda Manchester United, Jack Grealish oo ku biiraya Man City iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Anderlecht Lokonga ayaa maankiisa ku haya inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal, sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano .

Tababarihii hore ee Wolves Nuno ayaa ah hogaamiyaha ugu cadcad ee la wareegaya shaqada Tottenham, BBC Sport ayaa sidaas sheegtay .

Sky Sports ayaa ku warameysa in Manchester United ay weli ku sii jirto wadahadalada qandaraaska loogu kordhinayo Paul Pogba. sida ay qortay Sky Sports

Roma ayaa weli dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka, waxaana ay diyaar u yihiin inay Amadou Diawara u adeegsadaan heshiis is dhaafsi ah, sida ay qortay  Il Romanista .

Xiddiga da ‘yar ee FC Nordsjaelland Kamaldeen Sulemana ayaa dalabyo waxa uu ka helay kooxaha Manchester United iyo Ajax, Bold ayaa sidaas leh .

Mikkel Damsgaard ayaa iska diiwaangelinaya raadaarka Barcelona, ​​sida laga soo xigtay Sport .

Wayne Rooney ayaa laga yaabaa inuu ka tago shaqada tababarenimo ee kooxda Derby haddii kooxda ay u dhacdo heerka koowaad, sida ay qortay The Sun.

Wakiilada Jack Grealish ayaa si buuxda u rajeynaya in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa inuu u dhaqaaqo Manchester City xagaagaan, sida ay qortay Sun.

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaan u muuqan inuu ka soo muuqan doono ciyaaraha Olimbikada xulka Masar, sida ay warinayso ESPN .

Wakiilka Tiemoue Bakayoko Andy Bara ayaa ku casuumay Milan inay heshiis rasmi ah la saxiixato xidiga Chelsea, isagoo ku adkeysanaya “hadii fursadu timaado, inay wax walba sameyn doonnaa”. Goal

Wadahadalada u dhexeeya Manchester United iyo Paul Pogba ee ku saabsan heshiis kordhinta ayaa socda inkastoo wali war kasoo bixin- sida laga soo xigtay Sky Sports .

Niklas Sule ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub u saxiixo Bayern Munich – sida laga soo xigtay BILD .

Atletico Madrid ayaa u aqoonsatay daafaca dhexe ee Lazio Luiz Felipe inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Manchester United ayaa ku raad joogta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Alessandro Cortinovis – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

Arsenal ayaa ku sii dhawaaneysa saxiixa Ben White oo ay kala soo wareegeyso Brighton. Kooxaha ayaa wadahadalo joogto ah la yeeshay tan iyo markii Gunners laga soo diiday dalabkii ugu horreeyay ee ku dhowaad 40 milyan oo ginni ah ($ 56m) oo laga soo diiday 23 jirkaan daafaca ka ciyaara. In kasta oo heshiis weli aan la gaarin,  Shabakadda Goal

AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo seddex ciyaaryahan oo Chelsea ah xagaagan, Olivier Giroud, Hakim Ziyech iyo Tiemoue Bakayoko dhamaantood waxay kujiraan liiska Ac Milan. sida ay qortay Sky Sports.

Barcelona waxay u furan tahay fikradda ah inay Jordi Alba ku badasho xiddiga Inter Alessandro Bastoni. sida laga soo xigtay ESPN

Achraf Hakimi ayaa heshiis la gaaray kooxda Paris Saint-Germain, sida ay sheegtay Sky Sport Italia.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*