Wararka Suuqa kala iibsiga: Waqtiga uu Jadon Sancho ku biirayo Manchester United oo la ogaaday, Sergio Ramos oo ku biiraya Saddex koox Midkood iyo Qodob kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaa raadineysa inay qandaraas cusub oo labo sano ah ka saxiixdo Sergi Roberto. sida laga soo xigtay Marca ,

Arsenal iyo Tottenham ayaa ku loolamaya weeraryahanka kooxda Inter Martin Satriano – sida ay qortay The Daily Mail .

Barcelona ayaa diyaar u ah inay cunaqabateyso xagaaga bixitaanka Samuel Umtiti, sida ay qortay Mundo Deportivo .

Milan ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto labada xiddig ee James Rodriguez iyo Philippe Coutinho – sida laga soo xigtay Tuttosport .

Chelsea ayaa indhaha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic – sida laga soo xigtay Le 10 Sport .

Inter Milan ayaa Martin Satriano ka iibin karta mid ka mid ah kooxaha xiiseynaya Premier League xagaagan, sida ay qortay Daily Mail .

Arsenal ayaa diiday dalab of 30m ($ 42m) oo ka yimid Aston Villa oo ku aadan Emile Smith Rowe.

Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta Benfica si ay ula soo saxiixato daafaca dambeedka midig Nuno Tavares, sida ay xaqiijisay Goal.

Da’yarka reer America ee Ricardo Pepi ayaa xiiso ka helay Italy bishii January, sida uu sheegayo Fabrizio Romano .

Wakiilka Gareth Bale ayaa sheegay inaysan jirin fursad uu weeraryahanku dib ugu laabto Tottenham. sida ay qortay Standard Sport 

Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Italy Andrea Belotti ayaa ah dookh ay Arsenal aad u dooneyso sida uu warinayo Calciomercato .

AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay amaah kula soo wareegto Philippe Coutinho, sida ay qortay Marca.

ESPN ayaa warinaysa in Leeds United ay hogaamineyso loolanka loogu jiro daafaca Barcelona Junior Firpo.

Sergio Ramos waxaa la soo xiriiray kooxaha Manchester City, Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich tan iyo markii uu shaaca ka qaaday inuu ka tagayo Real Madrid, sida ay sheegtay ESPN.

Manchester United ayaan wax horumar ah ka sameyn dadaalka ay ugu jirto helitaanka daafaca midig ee reer England Kieran Tripper. sida ay qortay Manchester Evening News 

Aymeric Laporte ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Barcelona, ​​sida ay qortay Sport.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhiganaya laacibka qadka dhexe ee xulka Austria iyo kooxda Hoffenheim Christoph Baumgartner – sida laga soo xigtay Kicker .

Milan ayaa indhaha ku heysa inay lasoo wareegto weeraryahanka Real Madrid Luka Jovic – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Manchester United ayaa qarka u saaran inay soo gabagabeyso heshiis £ 77 million ($ 107m) ah oo ay kula soo wareegeyso ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho todobaadkan – sida ay qortay The Telegraph .

Antoine Griezmann ayaa ah dooq kale oo weerar ah oo ay Manchester City diyaar u tahay inay tixgeliso, Fichajes .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*