
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Erling Haaland ayaa isku diyaarinaya inuu go’aan rasmi ah ka gaaro mustaqbalkiisa, iyadoo kooxaha sida Real Madrid, Barcelona iyo Manchester United ay sugayaan inay ogaadaan waxa uu sameyn doono weeraryahanka Norway. sida ay qortay AS
Tottenham ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard xagaagan – sida laga soo xigtay Football.London .
Chris Wood oo qarka u saaran inuu aado Newcastle si uu tijaabada caafimaadka ugu maro, sidaas waxaa qortay Telegraph .
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco ayaa diiday dhammaan dalabyada suuqa kala iibsiga ee bishaan – sida laga soo xigtay Marca .
Barcelona ayaa wadahadalo suuqa kala iibsiga ah la yeelatay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea Oscar – sida laga soo xigtay TNT Sports .
Newcastle ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahankii hore ee Manchester United iyo Everton Marouane Fellaini – sida laga soo xigtay La Derniere Heure .
Newcastle ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto Brighton saxiixa daafaca Feyenoord Marcos Senesi. sida laga soo xigtay Football Insider
Georginio Wijnaldum ayaan wax xiiso ah u qabin ku soo laabashada Newcastle, sida ay ku warameyso Football Insider .
Crystal Palace ayaa, wadahadalo la furtay Arsenal oo ku saabsan heshiiska Eddie Nketiah. sida laga soo xigtay The Times
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Bruno Guimaraes ayaa waxaa xiiseynaya Juventus, GOAL
Be the first to comment