Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Ac Milan oo Xiiseeneysa Martinez iyo Qodobo kale oo Muhiim ah

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Xiddiga Ajax Lisandro Martinez ayaa xiise ka helaya Kooxda Milan – sida laga soo xigtay (Todofichajes) .

Shkodran Mustafi ayaa ku jira wadahadalo la xiriira joojinta qandaraaskiisa Arsenal, sida ay qortay (football.london).

Bayern Munich ayaa diirada saareysa daafaca Villarreal Pau Torres sida ay qortay jariirada (Marca) .

Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay mustaqbalka Jesse Lingard ka dib markii uu ka tagay kulankii  Manchester United ee  FA Cup ee  ay axadii la ciyaarayeen  Liverpool isagoo mugdi galiyay Mustaqbalkiisa Kooxda. (Goal)

Tababarihii hore ee Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa qarka u saaran inuu la wareego shaqada Chelsea madama Shaqadii Stamford Bridge laga ceyriyay Frank Lampard. (Goal)

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Juventus Merih Demiral suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo,  (Fanatik)

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuusan u adeegsan bartilmaameedka Arsenal Isco kulamada waa weyn ee ololahan lagu soo waramayo inuu ku riixayo ciyaaryahanka reer Spain inuu ka tago Real Madrid ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Marca)

Liverpool, Crystal Palace iyo Manchester United ayaa qarka u saaran inay dalab u diraan xiddiga Watford Ismaila Sarr, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay. (Athletic)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*