Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Dembele oo aad loo xiiseenayo iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Manchester United , Chelsea , Juventus iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood isha ku haya xaalada qandaraaska Ousmane Dembele ee kooxda Barcelona , sida ay qortay (port).

Liverpool waxay  u baahan tahay inay eegto saxiixa-20 million ($ 27m) oo ay ku soo qaadato Dayot Upamecano iyo Kalidou Koulibaly si ay uga caawiso dhibaatada dhanka daafaca ah, ayuu yiri John Barnes, iyadoo halyeeyga Reds uu arkay inaan loo baahneyn in la sugo ciyaartoyda (Goal).

Kooxda Lazio ayaa ku sii dhawaaneysa saxiixa daaficii hore ee Arsenal Sokratris, sida ay qortay (Sky Sport Italia.(

Barcelona ayaa dooneysa inay soo xero geliso Sergio Aguero iyo David Alaba si ay u helaan iyagoo xur ah, sida ay qortay (Mundo Deportivo) .

Kooxaha Liverpool  iyo  Man United  ayaa la soo daristay dhibaato dhanka suuqa ah iyada oo ay  kooxda Bayern Munich  bilowday in ay horumar ka samayso wadahadalada heshiis kordhinta ah ee ay kula jirto Jamal Musiala. (Goal)

Liverpool ayaa kula tartami karta Chelsea iyo Manchester United adeega daafaca dhexe ee Serie A Sebastian Walukiewicz. (Mirror)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heegan ugu jirto soo xerogalinta xiddiga Real Madrid Raphael Varane iyadoo weli aysan jirin wax wadahadalo ah oo ku saabsan heshiis cusub oo uu kula joogo kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu. (Don Balon)

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaaday xiisaha ay u qabto weeraryahanka hibada leh ee reer Brazil ee Gabriel Veron. (Sport)

Xiddigii hore ee Bundesliga Jan Aage Fjortoft ayaa sheegay in Chelsea ay u aragto tababaraha reer Jarmal Thomas Tuchel inuu yahay ninka ugu fiican ee la keeni karo hadii kooxda ay ku qasban tahay inay badal uga dhigto Frank Lampard bartamaha ololaha. (ligafinancial)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay Real Madrid heshiis ku saabsan heshiiska bisha Janaayo ee Martin Odegaard. (Express)

Liverpool ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigo xal macquul ah oo ku aadan dhibaatooyinka daafaca dhexe iyadoo heli karto Daafaca kooxda West Ham United Issa Diop oo loo ogolaaday inuu amaah ku baxo bishan. (Liverpoolfc)

 

Wararka Ciyaaraha

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


error: Warka Furo kadib Copy Gareyso