Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Di Maria oo laga doonayo Horyaalka Premeir League iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Tababaraha Tottenham ayaa indhaha ku haya PSG Todofichajes ayaa warinaya in Jose Mourinho uu jeclaan lahaa inuu dib ula midoobo Angel Di Maria kooxda Tottenham. (Todofichajes)

Arsenal iyo West Ham ayaa il gaar ah ku haya weeraryahanka Brentford Ivan Toney, sida ay warinayso (Express Sport).

Mikel Arteta ayaa weydiistay Edu inuu u keeno Riqui Puig kooxda Arsenal, sida ay sheegtay Fichajes . (Fichajes )

Lautaro Martinez ayaa kalsooni ku qaba inuu ogolaanayo heshiis cusub oo uu kusii joogayo kooxda Inter Milan. (Goal)

Alejandro Papu Gomez ayaa u muuqday mid diirada u saaran Paris Saint-Germain .Gomez ayaa u muuqda mid huba inuu ka tagayo Atalanta bishaan ka dib markii uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya tababare Gian Piero Gasperini. (Le10Sport)

Eric Garcia uma dhaqaaqi doono Barcelona kamana tagayo Manchester City marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Goal)

AC Milan ayaa dooneysa ikhtiyaar ay ku soo iibsato daafaca dhexe ee Chelsea iyo England Fikayo Tomori haddii ay amaah kula soo wareegaan bishaan. Kooxda reer Talyaani ayaa ku bixin laheyd 26 milyan oo ginni 23 jirkaan. (Theguadian)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*