Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Eder Militao, Ighalo, Bale, Lamptey, Neymar, Brooks, Huntelaar

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo Ama

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay kula tartami karto Liverpool iyo Tottenham Hotspur saxiixadaafaca dhexeee Real Madrid Eder Militao inta lagu jiro bishaan Janaayo. (Goal)

Pep Guardiola ayaa ku rajo weyn inuu ceshto daafaca dambeedka dhexe Eric Garcia, ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, inkasta oo Barcelona ay si xoogan u xiiseyneyso (Goal)

Zlatan Ibrahimovic ayaa qorsheynaya inuu wadahadalo qandaraas kordhin ah la yeesho  AC Milan  taasoo ka dhigeysa inuu sii joogo San Siro wixii ka dambeeya dhalashadiisa 40aad. (Corriere dello Sport)

Halyeeyga Reds Robbie Fowler ayaa sheegay in Liverpool ay qasab ku tahay Kooxda inay lasoo saxiixato daafac dhexe oo cusub si ay xilli ciyaareedkaan ugu tartanto hanashada horyaalka Premier League. (Goal)

Tottenham Hotspur ayaan u badneyn inay sii dheereystaan ​​31 jirka weerarka ka ciyaara ee reer Wales Gareth Bale amaahda ay kaga soo qaateen Real Madrid xilli ciyaareedka 2021-22. (Times)

Weeraryahanka reer Brazil Neymar, oo 28 jir ah, ayaa wadahadal kula jira qandaraas kordhinta kooxda Paris St-Germain. (Sky Sports)

PSG ayaa bartilmaameedka ugu weyn ka dhigtay bishaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer England iyo kooxda Tottenham Dele Alli, 24-jir, waxayna ku rajo weyn yihiin heshiis amaah ah. (Theguardian)

Daafaca reer Spain ee Manchester City Eric Garcia, oo 20 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu qandaraas shan sano ah u saxiixo Barcelona. (Sport.se)

Tottenham iyo Chelsea ayaa xiiseynaya saxiixa 24 jirka daafaca dhexe ee South Korea Kim Min-jae, kaasoo u ciyaara kooxda reer China ee Beijing Guoan. (Mirror)

Arsenal ayaa isha ku heysa Shakhtar Donetsk iyo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Israel Manor Solomon, oo 21 jir ah, iyagoo doonaya inay ka dhigaan kooxda reer Ukraine dalab xagaaga. (Theguardian)

Joan Laporta, Victor Font iyo Toni Freixa ayaa ah musharixiinta kaliya ee ka hartay loolanka loogu jiro booska madaxweynaha kooxda Barcelona . Doorashadu waxay dhici doontaa Axadda, 24 Janaayo. (Mundo Deportivo)

Daafacii hore ee kooxda Leicester City Danny Simpson oo 34 jir ah ayaa wali aaminsan inuu ka ciyaari karo heerka Premier League. Daafaca reer England ayaa koox la’aan ahaa tan iyo xagaagan. (Sky Sports)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*