Home Horyaalada Kale Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Kevin De Bruyne...

Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Kevin De Bruyne oo ku dhow heshiis Cusub, Xaalada Paul Pogba iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa inay iska iibiso Paul Pogba dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo la sheegayo inay kooxda sheegtay inuusan dooneynin inuu saxiixo qandaraas cusub. (Tuttosport)

Kooxaha dhawaan u dallacay Premier League ee Leeds United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay amaah ku weyso daafaca Chelsea ee Fikayo Tomori, iyadoo daafaca dhexe uu ku sii jeedo Ligue 1 si uu ugu biiro Rennes. (Talksports)

Xidiga Qadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa ku dhow in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Manchester City (Dailymail)

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso sidii ay u keeni lahayd daafaca reer Holland iyo kooxda Inter Milan ee Stefan de Vrij. (internews)

Daafaca Manchester United Phil Jones ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu amaah ku baxo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga. (Dailystar)

Weeraryahanka Manchester United Daniel James ayaa lagu soo waramayaa inuu si lama filaan ah ugu soo muuqday liiska suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ee tababaraha kooxda Everton Carlo Ancelotti. (Footbal insider)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay hesho adeega xiddiga khadka dhexe ee Istanbul Basaksehir Berkay Ozcan. (Transfermarkt,) 

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay soo cusbooneysiin karto xiisaha ay u qabto daafaca dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach Matthias Ginter marka suuqa kala iibsiga dib loo furi doono bisha Janaayo. (Kicker)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid tahay kooxaha ka fiirsanaya inay la soo wareegaan daafaca Tottenham Hotspur Davinson Sanchez. (Fichajes)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo kooxda ka dhisan La Liga, daafaca dhexe ee Atletico Madrid Jose Gimenez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda. (We Go podcast)

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay amaah kula soo wareegto bisha Janaayo garabka kooxda Barcelona Ousmane Dembele. Xigasho Saxafiga reer Taliyaani (Fabrizio Romano)

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca West Ham United Issa Diop, sida lagu sheegay warbixin dhowaan ay soo saartay (ExWHUemployee)

Kubadsameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo qarsoodi ah kula yeeshay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce magaalada London isagoo doonaya inuu si xor ah ugu biiro xilli ciyaareedka soo socda (Warbaahinta Turkiga)

Kooxda Serie A ka dhisan ee AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay Liverpool tartanka loogu jiro helitaanka adeega daafaca dhexe ee kooxda Schalke Ozan Kabak. (Calciomercato)

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inayheshiis cusub ka saxiixato Kylian Mbappe si ay uga weecato xiisaha Liverpool . L’Equipe)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here