Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Liverpool oo isku diyaarineysa Daafaca Loic Bade iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Agaasimaha kooxda Inter Milan Beppe Marotta ayaa mar kale ku celiyay in ayna kooxdu suuqa ugu jirin wax saxiix ah oo cusub marka la gaadho suuqa January. (Skysport italia)

Liverpool ayaa  laga yaabaa inay ku qasban tahay inay amaah ka hesho suuqa kala iibsiga inta lagu jiro bisha Janaayo, sida uu sheegay Glen Johnson, madama kooxda ku adagtahay lasoo wareegitaanka xidig cusub. (Skysports)

Daafaca kooxda Manchester United Marcos Rojo ayaa ku dhawaanaya in uu ka tago kooxda United (Theguidian)

Danny Drinkwater wuxuu ku sugan yahay Turkiga, Istanbul si uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda ka dhisan Turkish Super Lig ee Kasimpasa – Chelsea-na waxay kabidoontaa mushaarka qadka dhexe si ay uga caawiso dhameystirka heshiiska. (Ligafinancial)

Klaas-Jan Huntelaar ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Schalke ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Ajax . (Sports1)

 Agaasimaha isboortiga Paris Saint-Germain Leonardo ayaa qirtay in “ciyaartoy waa weyn sida Lionel Messi” ay mar walba xiiseynayaan  kooxda ka  dhisan Ligue 1 , halka uu weli rajo ka qabo qandaraasyada cusub ee ay kula heshiiyeen Neymar iyo Kylian Mbappe. (Goal)

Saxafiga reer Talyaani ee Vito Angele ayaa ku soo waramay in Manchester United ay safka hore kaga jirto helitaanka xidiga khadka dhexe ee kooxda LOSC Lille Boubakary Soumare. (Vito)

Kooxda Premier League ka dhisan ee Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo daafaca kooxda Lens Loic Bade, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya France. (Le10Sport )

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay la soo wareegto xiddiga reer Spain Raul Moro, kaasoo ku dhibtooday inuu noqdo ciyaaryahan kooxda koowaad ee Lazio, sida lagu sheegay warbixin dhawaan ay soo saartay warbaahinta talyaaniga ee Lazio Siamo Noi. (Sporskeeda)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay lumiso goolhayaha keydka ku fadhiya ee Alex Runarsson ka dib afar bilood oo uu joogay Emirates laakiin waxay ka walaacsan yihiin inaysan awoodin inay helaan bartilmaameedkooda koowaad ee ay ku bedelayaan bisha Janaayo. (Thesun)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*