Home Wararka Wargeysyada Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Lukaku oo war...

Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Lukaku oo war kasoo saaray Xiisaha Man City iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Hogaamiyaasha Serie A-da AC Milan ayaa ka fikireysa inay u dhaqaaqdo daafacyada Barcelona Samuel Umtiti iyo Junior Firpo, sida ay qortay ( Mundo Deportivo) .

Tottenham ayaa isha ku heysa inay Danny Ings ka kaxeyso Southampton , sida ay qortay (Eurosport).

Liverpool iyo Tottenham ayaa raadinaya heshiis macquul ah oo ay kula soo wareegayaan xiddiga Inter Nicolo Barella, sida ay qortay (Calciomercato) .

Romelu Lukaku ayaan dooneynin inuu ka tago Inter kuna biiro Manchester City , sida ay qortay ( Express Sport) .

David Alaba aabihiis ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya daafaca ka tagaya  Bayern Munich  iyo Xaalada Real Madrid isagoo Xaqiijiyay Arintaasi. (Goal)

Manchester United ayaa diyaarineysa dalab £ 11 million ($ 15m) oo ay ka gudbineyso daafaca kooxda Lens Facundo Medina, sida ay qortay (La Voix du Nord).

Chelsea ayaa la sheegay inay diyaarisay liis tababarayaal madax ah oo bedeli kara Frank Lampard, iyadoo hogaamiyaha Southampton Ralph Hasenhuttl uu ka mid yahay tababarayaasha. (Dailymail)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan Stefan de Vrij inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga bisha soo socota. (Fcinternews)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay la soo saxiixato xiddiga Stade Reims Boulaye Dia iyagoo isku dayaya inay xalliyaan dhibaatadooda goosha. (Le10sport)

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here