Home Horyaalada Kale Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Man Utd oo...

Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Man Utd oo ka hadashey Joogitaanka Pogba iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

PSG ayaa dooneysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo daafaca Manchester City Eric Garcia, sida ay qortay (Mundo Deportivo.)

Georginio Wijnaldum ayaa sheegay inuusan jirin wax war ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa  Liverpool , iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland uu qandaraaskiisa sii dhamaanayo (Sky sports)

sida laga soo xigtay Daily Star ayaa sii kordheysa kalsoonida Paul Pogba inuu sii joogi doono kooxda madama xidiga loo badinayay in uu baxayo dhawaan (Dail Star)

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Leandro Paredes ayaa rajeynaya in xiddiga Barcelona Lionel Messi uu kula soo biiri doono kooxda iyadoo ay jiraan warar ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka reer Argentina. (Goal)

Mikel Arteta ayaa sheegay in Arsenal ay ku guda jirto isku day ay xidig cusub ku soo qaadaneyso ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga iyadoo lala xiriirinayo ciyaaryahanka Real Madrid Martin Odegaard. (Goal)

Baadigoobkii kooxda Chelsea ee ku aadanaa saxiixa laacibka kooxda AC Milan ee Gianluigi Donnarumma ayaa la kulantay dharbaaxo xoogan iyadoo kooxda Rossoneri ay wadahadalo la furtay goolhayaha si uu u saxiixa qandaraaska cusub. (told DAZN)

Valencia ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqday kooxda Arsenal oo ku aadan heshiis amaah ah oo ay kula soo wareegeyso Lucas Torreira. (AS)

Daafaca kooxda Villarreal iyo xulka Spain Pau Torres ayay tilmaamay kooxda Manchester United inay macquul tahay inay lasoo saxiixato bisha Janaayo. (Daily Express)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay la soo wareegto xiddiga reer Spain Raul Moro, kaasoo ku dhibtooday inuu noqdo ciyaaryahan kooxda koowaad ee Lazio, sida lagu sheegay warbixin dhawaan ay soo saartay warbaahinta talyaaniga La Lazio Siamo Noi. (Ligafanancial)

Pedro Goncalves oo ka tirsan kooxda Sporting Lisbon ayaa lagu soo waramayaa in uu soo galay liiska xidigaha ay xiiseeneyso kooxda Man united (Manchester Evening News)

Liverpool ayaa isha ku heysa suuqa kala iibsiga ciyaaryahano cusub oo lagu soo dari karo daafaca bishaan, waxaana lagu soo waramayaa inay raadinayaan daafaca Napoli Nikola Maksimovic si ay u xoojiso fursadaha horyaalka ka dib bilowgii xilli ciyaareedka. (Skysport)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi karto inay afduubato heshiiska ciyaaryahanka reer France Steven Nzonzi bisha Janaayo. (Foot Mercato)

Kooxda heysata horyaalnimada Bundesliga ee Bayern Munich ayaa markale muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi, sida ay wararku sheegayaan. (bavarianfootballworks)

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here