Home Suuqa kala iibsiga Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Mbappe oo cadeeyay...

Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Mbappe oo cadeeyay koox uu doonayo iyo qodobo kale

0

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Kylian Mbappe ayaa wali ku tala jira ka tagitaanka kooxda Paris Saint-Germain , waxana uu xiiseenayaa midkood Real Madrid iyo Liverpool sida ay qortay (ESPN(.

Kooxaha ku xifaaltama Horyaalka Ingariiska ee Manchester United iyo City, oo ay wehliyaan kooxda heysata Premier League ee Liverpool , ayaa ku biiray ugaarsiga loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Declan Rice, (90min).

Paul Pogba iyo Manchester Unietd ayaa isku raacay in dib loo dhigo wadahadal kasta oo la xiriira mustaqbalkiisa. (Goal)

Real Madrid ayaa isha ku heysa inay iska dirto Vinicius Junior, sida ay qortay jariirada Diario Madridista , iyadoo Liverpool iyo Arsenal ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya. (Diario Madridista)

Manchester United ayaa diiday dalab amaah ah oo ay ku dooneysay Donny van de Beek, sida laga soo xigtay ESPN.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay la xiriirto daafaca dhexe ee Brighton & Hove Albion Ben White marka suuqa kala iibsiga dib loo furi doono bisha Janaayo. (Manchester Evening News)

Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa saxiixa Jonny Evans oo ay ka soo qaadaneyso beeca xorta ah kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Leicester City, sida ay wararku sheegayaan.(thesun)

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo kubadsameeyaha kooxda Barcelona Riqui Puig ka hor suuqa jiilaalka. (Athletic)

Daafaca buuxa ee reer Argentine Nicolas Tagliafico ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas cusub u saxiixi doono Ajax isbuuca soo socda, si kastaba ha ahaatee, wuxuu weli xor u yahay inuu ka tago kooxda reer Holland dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21. (Telegraph)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku qasban tahay inay ku darto weeraryahanka reer Belguim Divock Origi dalab kasta oo ay ku dooneyso daafaca dhexe ee kooxda Schalke 04 Ozan Kabak. ( Telegraph)

Arsenal ayaa ku biirtay loolanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara RB Leipzig Marcel Sabitzer, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay. (ESPN)

Kooxaha waa weyn ee Premier League, Man Utd iyo Liverpool ayaa helay dhiirigelin weyn oo ku aadan Dayot Upamecano, iyadoo Bayern Munich lagu soo waramayo inay qaboojisay xiisihii ay u qabeen adeegiisa. (Bild)

Manchester United ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Toulouse Kouadio Kone, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay. (Calciomercato )

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here