Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Ramos oo Real Madrid ku wargaliyay Xiisaha PSG iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Halyeeyga Real Madrid Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu uga digay kooxda Real Madrid in Paris Saint-Germain ay diyaar u tahay isla markaana ay sugeyso  haddii wadahadalka qandaraaska cusub uusan miro dhalin.(El Larguero)

Baacsiga Real Madrid ee ku aadandaafaca Bayern Munich David Alaba ayaa lagu soo waramayaa inuu wali hakad ku jiro sababo la xiriira mushaharka 28 jirkaan uu doonayo. (Goal)

Manchester United Ciyaaryahankeeda khadka dhexe Paul Pogba ayaa qarka u saaran inuu sii joogo Old Trafford inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, sida uu sheegayo khabiir Suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano .

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso wax walba oo horumar ah oo ku saabsan mustaqbalkadaafaca Real Madrid Sergio Ramos . (ESPN)

Chelsea ayaa weli xiiseyneysa goolhayaha Udinese Juan Musso inkastoo Edouard Mendy uu si qurux badan ku bilowday noloshiisa Stamford Bridge. (Munde)

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuusan u adeegsan bartilmaameedka Arsenal Isco kulamada waa weyn si uu ugu riixo ciyaaryahanka reer Spain inuu ka tago Real Madrid ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Marca)

Liverpool ayaa ka mid ahayd kooxaha seegay saxiixa Borussia Dortmund iyo xiddiga reer England ee Jude Bellingham xagaagan, wakiil la xiriiray ciyaaryahanka ayaa sheegay sidaasi. (ECHO)

Kubadsameeyaha Lyon Houssem Aouar ayaa si wax ku ool ah meesha uga saaray inuu u dhaqaaqayo Arsenal marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. ( RMC Sport)

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u gacan galiso Musiala qandaraas cusub oo qaali ah kaas oo u arka inuu mushaar ahaan u qaadan doono 100 kun ginni isbuucii si uu uga weecdo xiisaha Man Utd iyo Liverpool. (Dailymail)

Marco Kana oo loogu magac daray nooca xiga ee halyeeyga Man City Vincent Kompany ayaa soo jiitay xiiso badan kooxaha waa weyn ee Yurub oo ay ku jirto Liverpool. (Goal)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay iibiso Granit Xhaka bisha soo socota, iyadoo tababaraha reer Spain Mikel Arteta uu sheegay inuusan hubin hadii xiddiga reer Switzerland uu ku habboon yahay qorshihiisa. (Eurosport)

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*