Home Horyaalada Kale Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Raphael Varane oo...

Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Raphael Varane oo kasoo muuqday liiska Chelsea iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Xiddiga qadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Yves Bissouma ayaa lagu soo waramayaa inuu si lama filaan ah diirada ugu saaray kooxaha waa weyn ee Premier League ee Arsenal iyo Liverpool.(talkSPORT)

Manchester United ayaa u muuqata inay diyaar u tahay inay dib ugu laabato saxiixa ciyaaryahanka kooxda Inter Milan Ivan Perisic sida lagu sheegay warbixin dhawaan kasoo baxday jariirada Talyaaniga ka soo baxda ee Corriere dello Sport. (Corriere dello Sport).

Maamulaha guud eekooxda Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa qirtay in wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka Jadon Sancho ay u badan tahay inuu sababo in weeryahanku lumiyo (Kicker)

William Saliba ayaa loo arkaa inuu doonayo inuu sii joogo oo uu magac ku yeesho Arsenal marka amaahdiisa uu ku joogo Nice ay soo dhamaato. (Sportsmole)

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay Georginio Wijnaldum , Memphis Depay iyo Eric Garcia inay yihiin seddexda bartilmaameed ee ugu sareysa suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Skysport)

Real Madrid Lucas Vazquez ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalabkii ugu horeeyay ee kooxda heysata horyaalka La Liga ee qandaraas cusub. (Marca)

Real Madrid ayaa ugu cadcad inay la soo wareegto David Alaba ka dib markii Barcelona ay ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay ciyaaryahankaBayern Munich . (Dailymail)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay saldhig la sameysay Norwich City oo ku aadan ciyaaryahanka iyo lacag kaash ah ee kubadsameeyaha Emiliano Buendia . (The Independent)

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here