Wararka Suuqa kala iisbiga iyo Wargeysyada Yurub ee Caawa: Thomas Tuchel oo loo magacaay Chelsea iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan labo Waqti

Subixi 9:00 ilaa 10:00 Subaxnimo

Habeenki 19:00 pm ilaa 20:00 pm Waqtiga Somaliya.

Ronald Koeman ayaa beeniyay in ciyaartoydiisa Barcelona ay weydiisteen lacag aad u badan qandaraasyadooda iyadoo xiisad dhaqaale ay ka taagan tahay Camp Nou. (Goal)

Aston Villa  ayaa dhameystirtay saxiixa Morgan Sanson oo ay kala soo wareegeen  Marseille , kooxaha ayaa ku dhawaaqay talaadadii. (Goal.com

Chelsea  ayaa xaqiijisay magacaabista Thomas Tuchel inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda. (Skysports)

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda loo ogolaan karo inay ka tagaan Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga iyadoo weli ay sii socdaan sheekooyinka ku saabsan mustaqbalka Jesse Lingard iyo Brandon Williams. (Skysports)

Stoke City ayaa diiday dalab 5 milyan ginni ka yar oo ka yimid Burnley oo ku aadan daafaca da’da yar Nathan Collins. (Skysports)

Roberto Firmino ayaa noqday “walaac”  Liverpool  , waxaana Jurgen Klopp uu doonayaa inuu £ 100 million ($ 136m) ku iibsado weeraryahanka  Borussia Dortmund  Erling Haaland oo uu ku biiro Anfield,. (Thesun)

Kooxo dhowr ah ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan garabka kooxda Fulham Neeskens Kebano, sida ay qortay (Football Insider).

Daafaca  dambeedka bidix ee kooxda Chelsea Baba Rahman ayaa qarka u saaran inuu lix bilood oo amaah ah ugu dhaqaaqo kooxda  PAOK  si uu isugu dayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed dib ugu soo celiyo isagoo lix bilood la qaatay kooxda ka yar 23 jirada ee Blues. (Goal)

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*