Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa: Cavani oo Qandaraaska loo kordhinayo iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta

Arsenal waxaa lagu soo waramayaa in ilaa xad ay u dhaqaaqeyso bisha Janaayo weeraryahanka  Inter Milan  Christian Eriksen . (Gazzetta dello Sport) .

Wolverhampton Wanderers ayaa lagu soo waramayaa inay sameyn doonto isku day hammi leh si ay u keento ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum . (Gazzetta dello Sport)

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay inay ku garaacdo Barcelona saxiixa weeraryahanka Lyon Memphis Depay . (La Stamp)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qaboojisay xiisihii ay u qabtay xidiga  Inter Milan ee Skriniar madaama aysan diyaar u aheyn inay bixiyaan 54 milyan ginni oo ay Inter Milan ku dooneyso daafaca dhexe. (Calciomercato)

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedsatay daafaca kooxda Norwich City ee Max Aarons ka hor suuqa January. (Express)

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Saxafiga Angelo Mangiante)

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay qandaraaska u kordhiso weeraryahanka reer Uruguay, Edinson Cavani ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee Old Trafford. (Daily star)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara Borussia Dortmund Julian Brandt inuu yahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga xagaaga. (The Athletic)

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*