Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa, Gareth Bale oo Real Madrid ku laabanaya iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka walaacsan tahay heshiiska amaahda ee Gareth Bale ee Tottenham Hotspur in la soo gaabiyo, taasoo caqabad ku noqon karta qorshahooda suuqa kala iibsiga xagaagan (Dailymail)

Inter Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqo bisha Janaayo weeraryahanka Liverpool Divock Origi , sida lagu sheegay warbixin. (Corriere Dello Sport)

Weeraryahankii hore ee kooxda Chelsea Diego Costa ayaa lagu soo waramayaa inuu codsaday inuu ka tago Atletico Madrid suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo. (Dailymail)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa inuusan diyaar u aheyn inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa Anfield. (The Guadian)

Madaaliha Barcelona Lionel Messi ayaa ku tilmaamay go’aanka Blaugrana ay  ku iibisay Luis Suarez mid waalan.

Tababaraha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa hoos u dhigay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Paulo Dybala inuu ku biirayo Manchester United. (Ligafinancial)

Kooxaha waaweyn ee Ligue 1, Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay miisaamayaan inay u dhaqaaqaan saxiixa goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak kaasi oo sidoo kale Chelsea laga doonayo.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*