Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa, Luka Modric oo heshiis saxiixay iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay soo gabagabeeyay Bartilmaameydka Xidiga Lyon ee  Memphis Depay .

26 jirkaan ayaa loo saadaaliyay inuu u dhaqaaqi doono Camp Nou xagaagan heshiiskaasi ayaana burburay maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, Depay ayaana ku nagaaday Lyon. (Mundo Deportivo)

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay heshiis hordhac ah la gaarto daafaca Manchester City Eric Garcia bisha soo socota.

Iyadoo qandaraaska ciyaaryahanka reer Spain ee Etihad uu dhacayo lix bilood gudahood, Garcia wuxuu xor u yahay inuu la xaajoodo kooxaha kale bilowga bisha Janaayo. (Mundo Deportivo)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Los Blancos.  (Marca)

Daafaca midig ee kooxda Tottenham Hotspur Serge Aurier ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto Paris Saint-Germain -taasi oo ah  kooxdii uu “aadka u jeclaa”. (Thesun)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay Rafael Benitez inuu yahay mid ka mid ah bartilmaameedyadooda ugu sareeya si ay u bedelaan tababare Mikel Arteta hadii tababaraha reer Spain la ceyriyo isbuucyada soo socda. (The Mirror )

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*