Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa: Manchester City oo dooneysa Harry Kane iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso kabtanka Aston Villa Jack Grealish  Kooxda ayaana ku dooneysa Qiimo gaaraya 100 Milyan oo ginni (Dailymail)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay culeys ku saareyso ilaa shan koox oo kale ku guuleysiga weeraryahanka Real Madrid Isco Sida ay qortay (Marca)

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa in u aragto Dean Henderson iyo Sam Johnstone badalka Hugo Lloris oo kooxda ka tagaya. (Thesun)

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso Sidii dalab gaaraya € 100m (£ 89m) ugu soo qaadan laheyd Weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane . (Bild)

Macalinka Kooxda Chelsea oo maanta oo Jimco ah la Hadlay warbaahinta Sida Ciyaaro.com soo xigatay ayaa ka hadlay Qorshaha Kooxda ee suuqa kala iibsiga waxana uu sheegey in Kooxda ku deg dageynin Suuqa (goal)

Liverpool ayaa dhameystirtay saxiixa Stefan Bajcetic oo ay kala soo wareegeen kooxda Celta Vigo (Talksport)

Naadiga ka dhisan Serie A-da ee Juventus ayaa rajeyneysa inay laacib kale ku darto safkeeda hore laakiin waxay umuuqataa inaysan haatan ka daba socon karin laacibkii hore ee Atletico Madrid Diego Costa. (Marca)

Reds ayaa raadineysa Adama Traore iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuusan sal dhigin khilaafka kooxdiisa Wolves. (Sportspain)

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*