Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa: Real Madrid oo ku dhow David Alaba iyo Qodobo kale

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta.

Tababare Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu uusan ku xiran Sergio Ramos , Luka Modric iyo Lucas Vazquez heshiiska cusub ee kooxda lakin taasi badalkeeda waxa uu kooxda ka doonaya in heshiiskooda la dhameeyo (marca)

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ugu cadcadahay inay la soo wareegto DaafacaBayern Munich David Alaba. (Marca)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Celtic Ryan Christie ayaa lagu soo waramayaa inuu kasoo muuqday bartilmaameedkakooxda Arsenal . (90min)

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qasban ku tahay inay ku darto weeraryahanka reer Belguim Divock Origi dalab kasta oo ay ku dooneyso daafaca dhexe ee kooxda Schalke 04 Ozan Kabak. (Telegraph)

Chelsea ayaa isha ku heysa xaalada qandaraaska daafaca dambeedka dhexe ee AC Milan Alessio Romagnoli, (90min).

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta wada-hadal kooxda Hertha Berlin si loo dhameestiro Saxiixa xidiga Omar Rekik Sida ay qoreen warbaahinta Germalka (ligafinancial)

Daafaca Manchester United Phil Jones ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu amaah ku baxo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga. (Dailstar)

Wakiilka Marcos Llorentes, Julio Llorente ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay wacday si ay wax uga weydiiso helitaanka xiddiga Atletico Madrid. (Express)

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay in Kingsley Coman oo lala xiriirinayo Manchester United inaan la iibin doonin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (Sky Deutschland)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*