Home Suuqa kala iibsiga Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa: Real Madrid oo...

Wararka Suuqa kala iisbiga kuwooda ugu muhiimsan ee Caawa: Real Madrid oo war kasoo saartay la wareegista Haaland iyo Qodobo kale

0

ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga Qeybta Caawa oo habeen walbo saacadan oo kale aad la socotaa

Ciyaaro.com kala soco Xubintan Habeen kasta

Kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka wal-walsaneyn Xiisaha Kooxda Barcelona ee Xidiga Haaland kaasi oo ah dooqa ugu horeeya ee kooxda iyo badanka Benzema (AS)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixadaafaca Roma Roger Ibanez xagaaga soo aadan. (Calciomercato )

Juventus iyo Genoa ayaa labaduba heshiis ku ah inay doonayaan inay soo gabagabeeyaan saxiixa Nicolo Rovella bishaan. Andrea Pirlo ayaa la rumeysan yahay inuu taageere u yahay 19 jirka khadka dhexe, waxaana lala xiriirinayay saxiixiisa bilihii ugu dambeeyay. (Juvefc)

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay Tottenham Hotspur tartanka loogu jiroweeraryahanka RB Leipzig Marcel Sabitzer. (ESPN )

Manchester United ayaa sameeneysa karta hal sano oo lagu kordhin karo qandaraaska Jesse Lingard , wakaalada wararka ee PA ayaa sidaasi aamisan. (PA)

Daafaca bidix ee kooxda Chelsea Emerson Palmieri ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka baxo albaabka Stamford Bridge ka dib markii uu boos joogto ah ka waayay Frank Lampard . (Corriere dello Sport )

Daafaca Kooxda Arsenal ee Sead Kolasinac ayaa lagu soo waramayaa in wadahadalo amaah uu la furay kooxdiisii hore ee Schalke 04 si uu ugu dhaqaaqo marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (DAilymail)

La Gazzetta dello Sport ayaa warinaya in weeraryahanka Celtic FC Odsonne Edouard uu noqday dooqa AC Milan ayna lasoo wareegeyso marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo. (La Gazzetta dello Sport)

Previous article100 Xidig ee ugu wanaagsan Sanadka 2020 oo lasoo saaray
Next articleArsenal oo Liverpool kula biirtay loolanka loogu jiro Roger Ibanez

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here