Wararka Suuqa Maanta: Antonio Rudiger oo doortay ka tagista Chelsea, Sheekada Nordi Mukiele iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa isku diyaarineysa inay iibiso xiddiga qadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey, 30 -jir, bisha Janaayo – iyadoo ay xiiseynayaan West Ham , Everton iyo Newcastle United . (Thesun)

Inter Milan ayaa liiska bartilmaameedkeeda ku dartay goolhayaha Arsenal iyo xulka Jarmalka Bernd Leno oo 29 jir ah. (Fichajes)

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 21 jirka weerarka uga ciyaara Juventus iyo Sweden Dejan Kulusevski. (Mirror)

Chelsea ayaa dooneysa inay iska iibiso 30 jirka qadka dhexe ee reer France N’Golo Kante xagaaga soo aadan. (Fichajes)

Daafaca dhexe ee Jarmalka Antonio Rudiger ayaa doortay inuusan qandaraaska u cusbooneysiinin Chelsea wixii ka dambeeya xagaaga soo aadan, iyadoo u dhaqaaqista Bayern Munich iyo Real Madrid midkoodna uu aad u xiiseynayo 28 jirkaan. (Marca)

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab cusub ka gudbiso garabka Talyaaniga Federico Chiesa. 23 jirkaan ayaa amaah ku jooga Juventus – oo ay waajib ku tahay inay iibsato – Fiorentina . (Calciomercato)

Daafaca Leicester City iyo xulka Turkiga Caglar Soyuncu, oo 25 jir ah, ayaa diirada u saaran Real Madrid . (DefensaCentral)

Manchester United ayaa u aragta daafaca RB Leipzig iyo xulka France Nordi Mukiele oo 23 jir ah inuu noqdo daafaca midig ee cusub ee kooxda. (Fichajes)

Weeraryahanka Chelsea iyo Jarmalka Timo Werner, oo 25 jir ah, ayaa doonayay inuu ku biiro Manchester United ka hor inta uusan u dhaqaaqin Stamford Bridge. (Bild)

Sampdoria xidigeeda 21 jirka garabka ka ciyaara ee Denmark Mikkel Damsgaard, oo bartilmaameed u ah Tottenham , ayaa sidoo kale xiiso u qaba Juventus . (Tuttosport)

Arsenal waa inay bixisaa ugu yaraan 38.5 milyan ginni haddii ay doonayaan inay la soo wareegaan weeraryahanka Sevilla ee reer Morocco Youssef En -Nesyri oo 24 jir ah (Mundo Deportivo)

Barcelona ayaa wadahadalo la furtay Ousmane Dembele oo ku saabsan kordhinta heshiiska 24 jirka reer France kaas oo dhacaya xagaaga dambe. (Sporte)

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa ku daray 24-jirka Porto iyo garabka Colombia Luis Diaz bartilmaameedyadiisa, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale oo ka jira Nou Camp. (Marca)

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato weeraryahanka kooxda West Ham iyo xulka England ee da, doodu ka yartahay 17 jirada Divin Mubama oo 16 jir ah (Football Insider)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*