Wararka Suuqa Maanta: Labo Milan oo isku heesta Alex Telles, iyo Calvert-Lewin, Cavani, Lingard, Vlahovic, Haaland, Diaz

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa dooneysa weeraryahanka Everton iyo xulka England Dominic Calvert-Lewin, 24, si uu u bedelo weeraryahanka Faransiiska Alexandre Lacazette, 30. (Mirror).

Weeraryahanka Manchester United iyo Uruguay Edinson Cavani, oo 34 jir ah, ayaa doonaya inuu ku biiro Barcelona xagaagan. (Thetimes)

Newcastle ayaa diirada saareysa afar ciyaaryahan oo England bisha Janaayo, kuwaas oo kala ah Manchester United Ciyaaryahankeeda khadka dhexe Jesse Lingard, 28, Tottenham ciyaaryahanka khadka dhexe ee Harry , 25 jirka, Chelsea ee khadka dhexe Ross Barkley, iyo Atletico Madrid Daafaca dambeedka bidix ee Kieran Trippier, 31 sano jir ah. (Telegraph)

Daafaca bidix ee Manchester United iyo Brazil Alex Telles, oo 28 jir ah, ayaa waxaa isha ku haya labadaba Inter iyo AC Milan . (Thesun)

Arsenal ayaa haatan kula loolameysa Juventus saxiixa weeraryahanka Serbia Dusan Vlahovic, oo 21 jir ah, kana tirsan Fiorentina . (Tuttosport)

Borussia Dortmund ayaa diiday inay xaqiijiso in qandaraaska weeraryahanka Norway Erling Braut Haaland, oo 21 jir ah, lagu burburin karo inta u dhaxaysa 75 ilaa 100 milyan euros (£63.7m-£85m). (Sport 1)

Waxaa jira qorshayaal uu Pep Guardiola ku maamuli karo kooxda New York City FC marka uu qandaraaskiisa Manchester City dhaco 2023. (90min)

Liverpool ayaa lala xiriirinayaa xiddiga garabka uga ciyaara Porto iyo Colombia ee Luis Diaz oo 24 jir ah (Marca).

Tababaraha cusub ee Tottenham Antonio Conte ayaa doonaya in uu si buuxda u maamulo hanaanka shaqaalaynta bisha January, si la mid ah agaasimaha maamulka Fabio Paratici. (FootballInsider)

Spurs ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub u soo bandhigto 34-jirka reer France Hugo Lloris kaasoo socon doona ilaa xagaaga 2023. (Tuttomercatoweb).

Goolhayaha Senegal Edouard Mendy ayaa qarka u saaran inuu heshiis u kordhiyo Chelsea. Qandaraaska 25-jirkan ayaa haatan socda ilaa 2025. (FootballInsider)

Wakiilka Ousmane Dembele ayaa kula talinaya weeraryahanka France inuusan heshiis cusub u saxiixin Barcelona , iyadoo Manchester United iyo Newcastle ay xiiseynayaan 24 jirkaan. (Mundo Deportivo)

Weeraryahanka reer Spain Ferran Torres, oo 21 jir ah, ayaa codsaday inuu ka tago Manchester City , waxaana uu heshiis shan sano ah la galay Barcelona . (Mundo Deportivo)

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay in xaalada dhaqaale ee kooxda ay la macno tahay inay iibiyaan ciyaartoyda ka hor inta aysan keenin qof cusub (Sport).

West Ham ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Manchester City iyo Netherlands Nathan Ake, 26. (90min)

Wakiilka weeraryahanka Flamengo iyo Brazil Gabriel Barbosa, oo lala xiriirinayay Arsenal iyo West Ham, ayaa hoos u dhigay rajada 25 jirkaan u dhaqaaqi lahaa Janaayo. (Dailymail)

Xidigii hore ee khadka dhexe ee Spain Isco, oo 29 jir ah, ayaa ka tagi doona Real Madrid bisha Janaayo hadii la helo dalab faa’iido u leh labada dhinac. (AS)

Daaficii hore ee Brighton Connor Goldson, oo 28 jir ah, ayaa diiday qandaraas kordhinta Rangers iyadoo uu xiddiga reer England rajeynayo inuu ku laabto Premier League bisha Janaayo. (FootballInsider)

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*