Wararka Suuqa Maanta: Manchester United oo badashey go’ankeeda Jesse Lingard, Xanta Wilfred Ndidi iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Chelsea ayaa wadahadalo aan rasmi ahayn la yeelatay Real Madrid si ay dib ula soo saxiixato kubadsameeyaha reer Belgium ee 30 jirka ah Eden Hazard-laakiin kooxda reer Spain ayaa dooneysa inay soo qaadato daafaca midig ee England Reece James, oo 21 jir ah. (El Nacional)

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay soo qaadato xiddiga qadka dhexe ee reer Nigeria Wilfred Ndidi, oo 24 jir ah (Fichajes)

Liverpool ayaa si dhaw ula socota xaalada Ousmane Dembele ee Barcelona . 24 jirka reer France ee garabka ka ciyaara, kaasoo aan ciyaarin tan iyo Euro 2020 sababo la xiriira dhaawac jilibka ah, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Mundo Deportivo)

Tababarihii hore ee Borussia Dortmund Lucien Favre, oo 63 jir ah, iyo tababarihii hore ee Chelsea Frank Lampard, oo 43 jir ah, ayaa ah laba ka mid ah magacyada milkiilayaasha cusub ee Newcastle United ay ku fikirayaan bedelka Steve Bruce ee St James Park. (Telegraph)

Weeraryahanka Arsenal iyo xulka France Alexandre Lacazette, oo 30 jir ah, ayaa doonaynin inuu qandaraas cusub u saxiixo Gunners marka uu qandaraaskiisa haatan dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Football.london)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey, oo 30 jir ah, ayaa weli aaminsan inuu guulo la gaari karo Juventus iyadoo xilli ciyaareed iyo bar uu ka harsan yahay qandaraaskiisa haatan. (Thetimes)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Georginio Wijnaldum, oo 30 jir ah, ayaa sheegay in uusan “si buuxda ugu faraxsanayn” Paris St -Germain – afar bilood uun kaddib markii uu kaga soo biiray Liverpool. (Independent)

Kooxda reer Holland ee Feyenoord ayaa isku diyaarinaysa inay dalab cusub ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United iyo Ivory Coast Amad Diallo, oo 19 jir ah, ka dib markii hakad soo gaaray amaah uu ku dhaqaaqi lahaa. (Thesun)

Manchester United ayaa ka fiirsan doonta inay ku iibiso xiddiga qadka dhexe ee weerarka uga ciyaara England Jesse Lingard, oo 28 jir ah, £ 15m bisha Janaayo haddii uusan qandaraas cusub u saxiixin Old Trafford, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga dambe. (Thesun)

Juventus ayaa wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga Manchester United Donny van de Beek, oo 24 jir ah, iyadoo dooneysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands. (Football Italia)

Juventus ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay amaah ku dalbato bisha Janaayo kubadsameeyaha Manchester City iyo Portugal Bernardo Silva oo 27 jir ah (Calciomercato)

Daafaca dhexe ee Ingriiska Ben Davies, oo 26 jir ah, ayaa weli aaminsan inuu mustaqbal ku leeyahay Liverpool, inkastoo uusan u ciyaarin ka dib markii uu ku soo biiray bishii February ka dibna uu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray Sheffield United. (Liverpool Echo)

Goolhayaha reer Spain David Raya oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Brentford xilli ay xiiseynayaan Arsenal iyo Everton (Cadena Ser)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*