Wararka Suuqa Maanta: Xantooda laga qoray Mbappe, Bale, Werner, Lacazette, Lingard, Traore, iyo Ziyech

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Weeraryahanka Paris St-Germain iyo xulka France Kylian Mbappe, oo 22 jir ah, ayaa la saadaalinayaa inuu baxo marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga, iyadoo Newcastle United ay ka mid tahay kooxaha u dhaqaaqi kara ku guuleystaha Koobka Adduunka. (Express)

Garabka Chelsea ee Morocco Hakim Ziyech, 28, iyo xidiga Germany Timo Werner, 25, ayaa u soo baxay bedelka garabka Manchester City ee England Raheem Sterling, oo 26 jir ah, kaasi oo laga doonahay Barcelona bishii Janaayo. (ESPN)

Manchester United ayaa la soo xiriirtay maamulaha Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino, waxaana diiday kooxda reer France. (Manchester Evening News)

Tababarihii hore ee Tottenham Pochettino, oo 49 jir ah, ayaa sugi doona lix bilood ugu yaraan ka hor inta uusan noqon tababaraha United. (Xiddig)

Tababaraha cusub ee Tottenham Antonio Conte ayaa wadahadalo la yeeshay kooxda Manchester United oo ku aadan daafaca Eric Bailly, 27. (Express).

Tababarihii hore ee Borussia Dortmund Lucien Favre iyo tababarihii hore ee Lyon Rudi Garcia ayaa laga wareystay Manchester United si ay u noqdaan tababarahooda ku meel gaarka ah. (Telegraph)

Ralf Rangnick, tababarihii hore ee RB Leipzig , iyo tababarihii hore ee Roma Paulo Fonseca ayaa sidoo kale ku jira liiska musharaxiinta ee Old Trafford. (Dailymail)

Liverpool iyo Barcelona ayaa xiiseynaya weeraryahanka Chelsea Christian Pulisic, oo 23 jir ah, laakiin Blues kama iibin doonto koox ku xafiiltama Premier League, kooxda reer Spain ma bixin karto 50 milyan euro oo looga baahan yahay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Mareykanka. (El Nacional)

Chelsea ayaa wadahadalo la yeelatay Fenerbahce iyo daafaca Hungary Attila Szalai, oo 23 jir ah. (FootballInsider).

Wolves waxay dhageysan doontaa dalabyada u imaanaya garabka Spain Adama Traore, 25, Janaayo. (FootballInsider)

Weeraryahanka Arsenal iyo xulka France Alexandre Lacazette, oo 30 jir ah, ayaa waxaa ku raad jooga Atletico Madrid, Barcelona , Newcastle iyo AC Milan. Qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa xagaagan. (Calciomercato)

Gunners ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches, oo 24 jir ah, marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee Janaayo. (Football London)

Weeraryahanka Manchester United ee England Jesse Lingard, oo 28 jir ah, ayaa weli doonaya inuu ka tago Old Trafford inkastoo tababarihii hore ee Ole Gunnar Solskjaer uu ka tagay. DailyStar

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Mason Mount, 22, ayaan wax walaac ah ka qabin xaalada qandaraaskiisa Chelsea , waxaana uu doonayaa inuu koobab badan kula guuleysto kooxda. (Telegraph)

Newcastle ayaa qarka u saaran inay kula tartanto Manchester United saxiixa daafaca reer England ee Atletico Madrid Kieran Trippier oo 31 jir ah (Sun).

Weeraryahankii hore ee Aston Villa Keinan Davis, oo 23 jir ah, ayaa waxaa dooneysa Norwich City, oo uu maamulo tababarihii hore ee Villa Dean Smith. (FootballInsider)

Tababaraha Newcastle Eddie Howe, oo 43 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu qabto kulanka kooxdiisa cusub ee Arsenal Sabtida inkastoo laga helay Covid-19 usbuucii hore. Dailymail

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*