Home Warka Xiisaha Leh Wararka Suuqa Maanta: Pochettino, Zidane, Ziyech, Werner, Haaland, Trippier, Origi

Wararka Suuqa Maanta: Pochettino, Zidane, Ziyech, Werner, Haaland, Trippier, Origi

0
Ad

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa diyaar u ah inay qorshaheeda raadinta tababare kumeel gaadh ah ka laabato haddii ay PSG hadda ka heli karto Mauricio Pochettino. (Guardian)

Ad

Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane oo kamida bar-tilmaameedyada Man United ayaa diyaar u ah inuu PSG kala wareego Mauricio Pochettino. (Telegraph)

Sir Alex Ferguson oo agaasime ka ah boodhka Man United ayaan wax door ah ku yeelan doonin tababare raadinta kooxda. (ESPN)

Liverpool iyo Barcelona ayaa labaduba xiisaynaya da’yarka kooxda Chelsea ee Christian Pulisic. (El Nacional)

Liverpool, Leicester iyo Newcastle ayaa kormeeraya weeraryahan Aguibou Camara oo ka tirsan kooxda Olympiakos. (Sun)

Barcelona ayaa xiddigaha Chelsea ee Hakim Ziyech iyo Timo Werner u wareegi doonta haddii ay heli waydo garabka Man City ee  Raheem Sterling, 26. (ESPN)

Borussia Dortmund ayaa u diyaarinaysa Erling Braut Haaland heshiis cusub oo ay ugu qancinayso inuu kooxda sii joogo. (Sky Deutschland)

Newcastle ayaa xiisaynaysa 32 sano jirka khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Axel Witsel, iyadoo heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe ayuu u furan yahay bixitaan. (Sport1)

Newcastle ayaa sidoo kale doonaysa daafaca midig ee Kieran Trippier oo ka tirsan Atletico Madrid. (Mirror)

Newcastle ayaa rajaynaysa inay madaxa shaqaalaysiinta kooxda Bayern Munich ee Laurent Busser  (Foot Mercato)

Liverpool ayaan bisha January bixitaan u ogolaan doonin weeraryahan Divock Origi oo bar-tilmaameed u ah Newcastle United. (Northern Echo)

Leeds United ayaa isha ku haysa inay suuqa January u dhaqaaqaan saxeexa khadka dhexe ee Chelsea ee Ross Barkley. (Express)

Real Madrid ayaa doonaysa daafaca midig ee kooxda Man City ee Pedro Porro oo heshiis laba sano amaah ah ugu maqan Sporting. (Mundo Deportivo)

Tababaraha cusub ee Aston Villa ee Steven Gerrard ayaa xanibay heshiis lagu iibinayo garabka weerar ee Bertrand Traore. (Football Insider)

Gerrard ayaa doonaya inuu lasoo wareego daafaca dhexe ee Pau Torres oo ka tirsan kooxda Villarreal. (Fichajes)

Laakiin Torres oo xagaagii diiday heshiis 60 Milyan oo euro ah oo uu Tottenham ugu wareegi lahaa ayaa ku faraxsan inuu kooxda magaaladiisa sii joogo. (Guardian)

Liverpool khadkeeda dhexe eeThiago Alcantara ayaa beeniyay wararka la xidhiidhinaya kooxda Barcelona. (Liverpool Echo)

Arsenal khadkeeda dhexe ee Granit Xhaka ayaa xiisayn doona ku laabashada Borussia Monchengladbach marka heshiiskiisa Gunners dhaco 2024. (Mit Geredet)

Previous articleBarcelona oo u aqoonsatay Hakim Ziyech, iyo Timo Werner inay yihiin bedelka Raheem Sterling
Next articleRafael Leao oo go’an ka qaatay Xiisaha uga Imaanaya Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here